Burco (Subulahanews)Ciidamada nabadgalyada wadooyinka iyo dawlada hoose ee hegmada Burco ayaa maanta xidh xidhay gaadiidka bijaajta ee ka hawlgasha magalaada Burco, kuwaasi oo ay ku eedeyeen inay u hogaansami waayeen sharciga wada marista ee gudaha magaalada Burco.
Taliyaha Ciidamada nabadgalyada wadooyinka ee gobolka Togdheer Cabdilaahi Faarax Jaamac (Soo Fadhiiste) oo warbaahinta uga waramay sababta ay gaadiidka Bijaajta u xidheen ayaa sheegay in sababta keentay inay xidhxidhaan gaadiidka Bijaajtu ay tahay iyagoo khalkhal galinaya nidaamka wada marista ee dalka u yaala.Waxaanu yidhi “Waay jirtaa in maanta aan soo xidhxidhnay gaadiidka bijaajta ee magalaada Burco kuwaasi oo sameeyay khalaadad ku aadan nidaamka wada marista waxaana jira in wadayaasha gaadiidkaasi bijaajta aanay qaarkood haysaan liisamada wada marista kuwaasi oo sharci u ahaysan inay wadaan taasi oo keentay inay galaan gaadiidkani bijaajtu shilal badan oo waxyeelo u gaystay qaar ka tirsan ardayda Dugsiyada ee imtixaanadka galaysay iyo qaybaha kale ee Bulshada.”
taliyaha Ciidmada nabadgalyada Wadooyinka Togdheer, waxa uu intaasi ku daray in ciidan ahaan bishii dhamaatay ay dhakhli dhan 1150,000,000 (Hal Milyan Iyo Boqol Kuntunkun oo shilanka Somaliland ah) ay ku soo xeereyeen waaxda Cashuuraha Beriga ee magaalada Burco, taasi oo ah lacago ay ganaax ahaan uga qaadeen wadayaasha gadiidk ee aan iyagu sharciga wado marista iyo aqoonsiyadooda darawalnimo haysanin.
< Waxaanu taliyuhu xusay in aan cidna uga haybadaysan doonin ilaalinta nabadgalayada wadooyinka iyo waxyaabaha shilalka ku keeni kara gaadiidka islamarkaana d dadweynaha waxyeelada u gaysanaya.
Xogahayaha dawlada hoose ee degmada Burco Aadan Cali Saalax oo isna Halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay dawlad hoose ahaan wadaan qorshe ay ku doonayaan inay ugu sameeyaan gaadiidka Bijaajta goobo mucayima oo loogu soo hagaago si aanay khalkhal iyo isku dhac uga dhex dhalan iyaga iyo wadayaasha gaadiidka basaska ee magaalada Burco.
Aadan Cali Saalax waxa uu intaasi ku daray inuu ugu baaqayo mulkiilayaasha gaadiidka bijaajta ahi inay u dhiibaan gaadiidkooda darawalo masuuliyad qaadi kara iyaga oo wata liisamadooda.
Gaadiidka Bajaajta ayaa si weyn ugu soo badanayay magaalada Burco mudooyinkii u danbeeyay taasi oo si weyn ay u soo dhaweeyeen bulshada magaalada Burco.
Cumar Maxamed Faarax .
Hargeysa cumarmfaarax@hotmail.com
