Siyaasaigga iyo saxaafadda ayaa waxay wadaagaan waxyaabo badan oo qaderin iyo qiimayn weyn u baahan markasta, Siyaasigga iyo Suxufigga ayaa lagu tilmaamaa labadda isugu danbeeya Bulshadda ama xidhiidh toosa oo aan kala maqanaan weyni ku dheehnayn leh. Inkasta oo xaalkooddu kaasi yahay, hadana waxaan jirin xidhiidh weyn oo aan la hubin oo siyaasigga iyo Suxufigga ka dhexayn kara markasta oo la hubo. Maadaama saxaafaddu ay u adeegto dal iyo dadba, waxaa lagu tilmaamaa raaci weyn oo ah tiir ka midda tiirarka dowladnimadda, waxaanay Saxaafaddu leedahay saamayn weyn oo aad loogu kalsoon yahay, isla markaasina door weyn ka ciyaarta doorka Siyaasigaa, dhaqaalaha iyo ganacsiga iyo dhamaan arimaha bulshadda ee kala duwan.
waxay saxaafadda iyo suxufigu soo qufaan oo toosha ku ifinayaan waxkasta oo mad-madow iyo maamul xumo u muuqdda oo xukumadda kelideed aanay ku raad joogine dhamaan maxaafid iyo mucaaridba si cadaaladda ay ugu adeegtaa, sed bursi wuu jirayaa oo ninba si ayaad isku salamaysaan oo heer ayuu xidhiidhkiinu gaadhsiisanyahay, marka aad suxufi tahay u adeegaaya dalkiisa iyo dadkiisa.
Hadaba haddii Siyaasigu dibi yahay Saxaafaddu waa Libaax, haddii siyaasigu maroodi yahay, saxaafaddu waa shabeel. Saxaafaddu markasta waxay leedahay doorkeedda hawleed oo iftiimin iyo cadeyn weyn dabadda ku haysa, xasaafaddu waxay leedahay buruudka iyo bilicda odhaahda dhabtaa iyo kobcinta Siyaasadda siyaasiga oo markasta loo baahanyahay in uu xidhiidh wanaagsan la yeesho xasaafadda iyo doorkeedda mudan ee ay ugu adeegto shacabka iyo Qaranka oo mahiimad weyn leh, markasta iyo door kasta oo xaaladda Siyaasadeed marayso si laysugu kaalmeeyo oo ii dheh iyo odhaahdda dhabtaa loo gaadhsiiyo cidda Siyaasiga ay wax kaga xidhanyahiin oo ah shacab weynaha sharafta iyo karaamadda badan oo ninna quweeya, nin qaran jebiya, iyagoo ka duulaaya tayadda iyo tamartiisa hawleed ee ilahay siiyey si ummadda uu ugaga faa,iideeyo.
Saxaafaddu waxay si toosa iyo si dadbanba ula shaqaysaa siyaasiga, si looga midho dhaliyo hadafka iyo ujeedooyinka Siyaasigaa ee hayaanka lagu yahay. Dhinaca kale saxaafaddu waxay ka mid tahay godadka waa weyn ee layska qaniino, waxayna saxaafaddu tahay middi laba af leh oo dhinaca xumaha iyo samahaba wax u goysa, waana midda lagu tilmaansado wanaagga iyo himilooyinka hufan ee dal iyo dadba. Hadaba Saxaafaddu sidda ay u badantahay waxay noqotaa sakaaraddii budka la kulantay oo haddii ay warka dhabtaa badka keento iyo haddii kaleba koley waa mid farta layskaga fiiqaayo oo cabsi iyo cuqdad weyn laga qabo, isla markaasina aan lahayn xoriyadtul qawlka ay badiba helaan saxaafadda wadamadda horumaray ee waaweyn oo aan si khaldan loogu bud luli karin marnaba.
Hadaba Siyaasiga iyo saxaafadda Somaliland ayaa waxaan odhan karaa waa qaar sidda bisadda iyo jiirka u kala korjoogaysta oo aanu ka dhexayn heshiis iyo saaxiibtinimo joogtaa. Inkasta oo Saxaafadda Somaliland aad u mudantahay oo ay jiraan weriyeyaal iyo hawl wadeenno saxadda saxaafadda sharaf iyo karaamo weyn ku leh oo lagu tilmaansaddo waraaqdoodda iyo mareegtoodda hufnaan iyo hadal halyey ka soo maaxdey. Hadanna qaarkood waxaa jira khayru masuulnimo weyn iyo dagaal saxaafadda qaarkeed ay ku kacdo oo ay ka muuqan karto cadiifad iyo beelaysi weyn oo marka indhaha lagu hakiyo wax badani kaaga muuqanayaan. Saxaafadda Somaliland waxay noqotay in nin weliba kambuyuutar qol madow la galo wax kasta oo ku soo dhacana uu iska qoro, arintaasi oo ah midda ugu weyn iyo mashaakilaadka haysta saxaafadda Somaliland guud ahaan oo intii haboonaydna xanuun ku abuuraysa, waayo waxaa la yidhi Baruur ayaa baruura qudhmisa.
Waxaan mahad balaadhan u soo jeedinayaa saxaafadda dhafan ee wadaagaa ee aan ku suntanayn jilib, beel iyo deegaan midna. Waraaqaha dalka gudahiisa ka soo baxa waxaa jira qaar aad loogu kalsoonyahay oo karaamo iyo sharaf weyn ku leh bulshadda dhexdeedda iyo qaar aan doorkoodda xidhiidh ee bulsho aanu ahayn wax jiraba, isla markaasina dabadda ku haya hin,xaasis, caabuq iyo cuqdad aan looga baahnayn Bulshadda walaalahaa ee reer Somaliland dhexdeedda. Suxufiga maha in la cabudhiyo oo afka gacanta laga saaro marka uu runta sheegaayo, siyaasigana maha in lagu jeedalo hab khaldan oo u legdid iyo lugta u qabasho khayrkii iyo kuwa ay saxadda Siyaasadda isku hayaan. Markaa waa in labadaba si weyn xaqoodda iyo hilidiisa laysu waafajiyo, dhinaca kale waxaan ugu baaqayaa Ururadda ay leeyahiin Saxaafaddu ee kala duwani inay ay xeer hoosaadkoodda ay ku jirto gudashadda hawlaha saxaafadda hufan iyo wax ka xaaraantaa Suxufiga iyo weliba in laysku abaal mariyo oo ciddii hareer marta hab dhaqanka saxaafadda in laga saaro Ururka Suxufiyiinta, isla markaasina ay jiraan ganaax iyo ciqaab ay ku dhaqmaan saxaafadda madax-banaani inta aan cid kale la gaadhin oo ay ka mid noqon karto lacagi.
Saxaafadda loo hanweynyahay ee Bulshadda reer Somaliland sidda tooskaa ugu xidhan shacabku wuu garab taaganyahay, kuwa dad cunkaa ee waxay doonaan iska qora, godobtoodda iyo gashiga ay gelayaan waxay leedahay meel loo raaco. Gacan weliba waxii ay geysato iyadda ayaa leh oo lagu abaal marinayaa mar kasta. Markaa waxaa loo baahanyahay in laga waantoobo waxii dhibaato iyo muran siyaasiya keenaaya iyo weliba xaalad abuur aan marnaba loo baahnayn in saxaafadda iyo siyaasiga soo kala dhex gasho. Siyaasiga waxaa loo baahanyahay in marka saxaafadda ama suxufigu qoro war xaqiiqdiisu dhabtahay in aanu guban oo hadba guluf colaadeed goob ka soo qaadin. Ugu danbayntii saxaafadda iyo siyaasigu mana kala maqna waana kala dan ee midhkaasi in si weyn laysula garto ayaa la doonayaa. Saxaafadda wanaagsani waa raaci ku metela shacabka iyo Qaranka hawlaha ay qabanayaan ee Qarannimadda iyo qaderintu ku dheehantahay. Saxaafaddu haddii ay wax sheegto oo wax xaqiiqdiisa la hubo sheegto waa midda ay wakiilka uga yahiin shacabka reer Somaliland, waxaanan leeyahay Saxaafadda madaxa-banaan wax sheega oo xinjiro fajaas ka dheeraadda una gudbiya warkiina iyo hawlaha saxaafadda hab aan ka taganayn tarbiyadda iyo asluubta ku suntan albaabka laga soo galo saxaafadda, marka suxufi la noqonaayo.
Cabdilahi Cali Xassan John
Liverpool
UK
