Muqdisho(Subulahanews)Wasaaradda Maaliyadda iyo Lacagta Soomaaliya ayaa ugu baaqday Shacbiga Soomaaliyeed inaysan marnaba bixinin Canshuur aanan wadanin Rasiidkii Sharciga ahaa ee ka yimid Wasaaradda Maaliyadda iyadoo dhanka kale ka hadashay halka ay marayaan lacagaha Cusub ee shillin Soomaaliga ah oo ay dowladda Suudaan u daabaceyso dalkeenna.
Wasiirka wasaaradda Maaliyadda iyo Lacagta Soomaaliya C/naasir Maxamed Cabdulle oo maanta marti ku ahaa barnaamijka Todobaadlaha kulanka jimacaha ee ka baxa Radio Muqdisho iyo TV-ga Qaranka ayaa waxa uu ka hadlay ololaha ay wasaaraddisu ku qaadeyso canshuuraha dalka gaar ahaan kuwa barriga waxa una wasiirku ka dalbaday dhammaan shacabweynaha Soomaliyeed inaysan dhiibin lacagaha canshurta haddii aanan la siinin rasiidkii sharciga ahaa ee ay ugu talagashay wasaaradda maaliyadda iyo lacagta in la siiyo qofka canshuur bixiyaha ah.
Mudane C/naasir Maxamed Cabdule Wasiirka maaliyadda iyo Lacagta ayaa dhanka kale faahfaahin ka bixiyay sababaha keenay in lacago cusub oo shillin Soomaali ah loo soo daabaco dalka isagoo farta ku fiiqay in mar dhow la keni doono lacagahaasi oo xilligaan daabicisteeda ay ka socoto dalka Suudaan.
Wasaaradda maaliyadda iyo lacagta Soomaaliya ayaa ku guuleysatay inay dib usoo celiso nidaamkii canshuur uruurinta iyadoo dhaqaalaha ugu badan uu dowladda xilligaan kasoo galo Garoonka Aaden Cadde iyo Dekada caalamiga ah ee Muqdisho waxa ayna wasaaraddu marar badan kula dardarantay shacbiga Soomaaliyeed in ay isku tashadaan oo ay iska bixiyaan canshuuraha si loo horumariyo wadanka guud ahaan.
source radio muqdisho
