Muqdisho(Subulahanews)In kabadan 500 ruux kuwaas oo isugu jira maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka tirsan kooxda shabaab ayaa gacanta lagu soodhigay kadib markii howlgal balaaran oo ay si wadjir ah iskaga kaashadeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen dagmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho.
Howlgalka ayaa waxaa saakay laga fuliyay dagmooyinka Hiliwaa, iyo Yaaqshid waxaana howlgalka intii uu socday gacanta lagu soo dhigay 507 qofood kuwaas oo isugu jira horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsan shabaab.
howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay taliyaha hoggaanka Guud ee howlgelinta ciidanka Cali Caraaye Cosoble, waxaana intii uu socday goob joog ka ahaa agaasimaha hay’adda nabadsugida qaranka Axmed Macalin Fiqi, taliyaha ciidamada nabadsugida gobolka Banaadir Khaliif Axmed Erag iyo taliyaal ka tirsan ciidanka nabad ilaalinta midowga Africa.
Dadka lagu soo qabtay howlgalka ayaa waxaa la iskugu geeyay warshada Nacnaca iyadoo goobta baaritaano lagula sameeyay.
