Farsmagaalaha magaalada laascaanood

Hargaysa(Subulahanews)Taliyaha Sirdoonka gobolka Sool Carab Qawdhan ayaa xalay abaara 9:30 gurigiisa oo ku yaala badhtamaha magaalada Laascaanood lala beegsaday qarax xoogan, halkaas oo ku dhitay askari magaciisa la odhan jiray khaliif Axmad dhag-haye oo ka tirsan ciidanka Asluubta oo uu abti u ahaa taliyaha Sirdoonku.

Qaraxan lala beegsaday guriga taliyaha Sirdoonka gobolka Sool Carab Qawdhan ayaan la sheegin cid kale oo wax ku noqotay. Taliyaha Sirdoonka Sool ayaa la sheegay inuu 10 daqiiqo ka hor inta aan qaraxa lala beegsan gurigiisa uu ka baxay.

Ilaa hada si rasmiya looma oga cidda qaraxaas ka dambaysay, hase yeeshee taliyaha Bilayka ee gobolka Sool Cali Case oo aanu xalay khadka Tilifoonka kula xidhiidhnay ayaa ka gaabsaday inuu qaraxaas loo gaystay guriga taliyaha Sirdoonka gobolka Sool uu ka hadlo, balse wuxuu sheegay in madaxda sare ee ciidanka Bilayska wax laga waydiiyo, waxaanu si kooban u yidhi “Madaxda sare ee Ciidanka Bilayska Somaliland arrinkaas wax ka waydiiya”

Muddo hada laga joogo todobaad waxa magaalada laascaanood lagu dilay xeer ilaaliye ku xigeenkii gobolkaasi Mr Dhuun-kalaax, dhacdadaas oo ciidamada Bilyaska Sool ay u qabteen dhawr cisho ka hor saddex xubnood oo la sheegay inay ka dambeeyay dilkaasi.

Falalkan lagu khaarajinayo masuuliyinta xukuumada ee gobolka Sool oo muddo sanad iyo dheeraad ah aanay waxba ka dhicin ayaa dadka qaarkii waxay u aanaynayaan dhacdooyinkan soo cusboonaaday inuu saamayn ku leeyahay xildhibaan Maxamed Axmed Dhagool oo ka tirsan xildhibaanada wakiilada ee xisbiga Udub laga soo doortay ee gobolka Sool, isla markaana habka doorashada dadban lagu soo doortay, oo isagu muddo afar cisho ka hor la sheegay inuu dalalka Geeska Afrika socdaal ugu baxay.

Inkasta oo aan ilaa hada xildhibaan dhagool Maxkamadi aanay si rasmiya u cadaynin dilalka ka dhacaya laascaanod inuu masuul ka yahay, hadana dad badan oo ka mid ah bulshada laascaanood waxay u tirinayaan inuu saamayn ku leeyahay dilalkaas.

ilaa hada lama oga asbaabaha dilalkaasi laascaanood oo muddo laba sanadood gaadhaysa aan la arag waxa soo laba kacleeyay.

Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo oo laba sano iyo dheeraad talada dalka haysay, ayaan ilaa hada cid Maxkamad horkeenin muddadaasi oo dhawr iyo labaatan masuul lagu khaarajiyay magaalada Laascaanood, iyadoo sanad iyo dhawr bilood ka hor isku shaandhayn lagu samayeeyay masuuliyiintii maamulka iyo hay’adaha amaanka ee gobolka Sool.

 

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook