Muqdisho(Subulahanews)Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga,kheyraadka badda iyo bii’adda oo wafdi uu hogaaminayo ay socdaal shaqo ku joogaan dalka Yemen ayaa kulan la qaatay Wasiirrada Kalluumeysiga iyo gaadiidka dalkaasi Yemen.
Mudane C/raxmaan Sheekh Ibraahim Wasiirka Wasaaradda Kulluumeysiga,kheyraadka badda iyo bii’adda ayaa ugu horeyn u gudbiyey Wasiirrada dalkaasi salaan iyo mahad celin uu uga siday Madaxda Sare ee Qaranka Soomaaliya oo iyagu Dowladda Yemen uga mahad celiyey sida ay u garab taagantahay shacbiga Soomaaliyeed ayadoo Dalkaasi Yemenna ay ku noolyihiin kumanaan qaxooti Soomaali ah.
Kadib mahad celintaasi Wasiirka waxa uu Wasiirrada Yemen u sharraxay sababta socdaalka Wafdiga ka socda Dowladda Soomaaliya ay dalkaasi ugu joogaan oo qeyb ka ah xoojinta labada dal iyo arinta ku aadan sidii loo joojin lahaa xaraashka lagu sameynayo Maraakiibta Soomaaliyeed ee ku xeran dekedda magaalada Cadan taasi oo Maxkamad ku taala Cadan ay ku furtay dacwad lagu xaraashayo xili ay Soomaaliya mareyso marxalad kala guur ah.
Wasiirrada dalka yemen ayaa si aad ah usoo dhaweeyey codsiga uga yimid Dowladda Soomaaliya waxaana ay ballan qaadeen in Dowladda Yemen ay gacan ka geysan doonto sidii loo joojin lahaa arinta Maraakiibta.
Kulankaasi uu Wasiirka Wasaaradda Kulluumeysiga,kheyraadka badda iyo bii’adda Mudane C/raxmaan Sheekh Ibraahim la qaatay Wasiirrada Kalluumeysiga iyo gaadiidka dalka Yemen waxaa ku wehliyey Wasiirudowlaha Wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya, La taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee dhinaca sharciga,gudoomiyaha shirkadda shifka iyo Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya Cadan Mudane Axmed Cabdi Xassan ( Axmed Suudaan ) oo isagu fududeynta kullamadaasi gacan ka geystay.
Source Radio muqdisho, Warbaahinta Qaranka.





