Shirka Daallo ee Beelaha Habar Yoonis uga socda Buurta Daallo ayaa ah mid qiima weyn ugu fadhiya dhamaan Beelaha Jamhuuriyadda Somaliland, waayo shirkani waxuu qayb ka yahay tiirarka iyo seesaska dhabtaa ee adkeeya Nabadda, Wadda jirka iyo Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaland iyo Beelaha ku dhaqan guud ahaan. Hadaba shirkan Dhaqan ee Daallo ayaa waxuu ku bilaamay hab degan oo laacdan iyo durduro Siyaayaasiya oo u dhaxaysa Siyaasiyiinta iyo qaybaha kala duwan ee Beeshu aanu jirin, haba yaraatee ama ka muuqan hab dhaqnkoodda, isla markaasina ayna jirin wax kala jiidasho iyo arimo aan dan u ahayn cidna, isla markaasina ku keenni kara hawlaheenna xagal daac iyo turunturo dhaawc gaadhsiiya habsami u socodka jiritaanka, Nolosha, Deegaanka iyo Dalka guud ahaan.
Shirka daallo ee aayo ka tashiga gaarkaa ee Beesha iyo midka guud ee Qaranka Somaliland waxuu mudanyahay in niyad san iyo kalsooni weyn lagu taageero oo laga war sugo go,aamadda wanaagsan iyo gunaanadka shirkaasi ku xidhimi doonno oo aan garan karo ahmiyadda ay inoo leedahay oo ah mid weyn oo dalkan iyo dadkan wax weyn ku soo kordhinaysa, iyagana kor u qaadaysa doorkoodda weyn ee ay kaga jiraan mushtamaca iyo Jamhuuriyadda Somaliland Siyaasiyan, Ganacsiga iyo Dhaqaalaha iyo weliba dhinaca Dhaqanka oo aad daruuri u ah oo kabayaal weyn iyo kaalin xoog badan kaga jira doorka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, dhisideedda iyo weliba ilaalinteedda heeganka aan u wadda nahay dhamaanteen.
Beelaha hadaba shirku uga curtay Daallo iyo dusheedda ayaa waxay yahiin laf dhabarta iyo tiirarka ugu waaweyn ee ugu lexejecladda badan jiritaanka Somaliland iyo adkaynteedda , isla markaasina saamayn weyn ku lahaa sooyaalka taariikheed ee unkidda iyo boodh dib uga tumista Jamhuuriyadan Somaliland ee lixdankii xorimadooddii kula midoobey walaalaha Koonfureed ee reer Muqadisho, xaqiiqatan marka loo wadda hadlayana Somaliland iyo sooyaalkeedda taariikheed ee galaba heer joogtey waxay kaga xardhanyahiin baal dahaba oo xuskeedda iyo ixtiraamkeedda leh, sidda dhamaan Beelaha kale ee jamhuuriyadda Somaliland ee kala duwani doorka ugu leeyahiin lama taabtaankaa ama lama ilaawaankaa.
Hadaba Shirka daallo ayaa ujeedadda laga leeyahay tahay mid kala qalan oo werwerin iyo walaac midna aanu ku jirin, waanna shir mudan oo Beesha kaga arinsanayso doorarka kala duwan ee ay kaga jiraan geedi socodka Jamhuuriyadda Somaliland ee Siyaasadda, dhaqaalaha, nabadgelyadda iyo wax wadda qabsiga Beelaha kale ee Jamhuuriyadda Soomaaliland oo ahmiyad weyni markasta ku jirto siddii ay wax u wadda qabsan lahaayeen si loogaadho hadafyadda iyo ujeedooyinka waaweyn ee dhinacyadda kala duwan gaar ahaan hogaanka dalka iyo masabyadda ugu waaweyn oo si kalgacal iyo laab xaadhniya laysugu badhitaaro ama laysugu taageero. Hadaba shirka Daallo wax badan ayaa naga khuseeya oo waxaan nahay dadka deegaanka iyo dalka ay wadaagaan Beelahan shirkani u socodo, isla markaasina aad u danaynaaya in wax wanaagsan oo dhito wacan u noqodda jiilka maanta iyo ka biritaba inay ka soo baxaan oo uu noqdo shirkani mid aayatiin iyo waxtar weyn u leh shacabka iyo Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland guud ahaan, taariikhda danbena ka galla meel dhaxal galla oo weyn.
Waxaa dhinaca kale aan ka madhnayn Siyaasadda iyo siddii doorkeedda kor loogu qaadi lahaa, maadama reerku leeyahay Siyaasiyiin miisaan weyn ku leh Jamhuuriyadda Somaliland oo abaabul iyo olole weyn ugu jira siddii Urur Siyaasadeedkooddu ama Xisbigoodda Siyaasiggii uu taageero iyo kalsooni weyn uga heli lahaa Beesha iyo Beelaha kale ee reer Somalilandba oo loo meel marin lahaa Siddii maalka, muruqa iyo maskaxdaba loogu hibeyn lahaa Siyaasiggii wax ka keenaaya Shacab weynaha iyo Beelaha kale ee reer Somaliland oo door aad u firfircoon ka ciyaari kara siddii ay Ururkoodda ama Xisbigooddu u soo bixi lahaa, isla markaasina ay ugu guulaysan lahaayeen hogaanka Jamhuuriyadda Soomaliland mustaqbal dhow iyo ka fogba. Xaqiiqatan reerka waxaa u sharaxan oo hormoodka Ururadda Jamhuuriyadda Somaliland ah rag aad u qiimo badan oo ah raggii dadkan iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland hogaamin lahaa ee gaadhiin lahaa halka hayaanka loo yahay ee ummadani ku calool santahay dhamaanteed.
Hadaba inkasta oo shacabka balaadhan ee reer Somaliland ayna madasha joogin, hadana indhahoodda iyo dhegahooddu waxay si rasmiy ugu weheliyaan Beesha shirku uga socdo Daallo, isla madashaasi, waxayna markasta ku rushaynayaan duco iyo wanaag horseedi kara Dadnimadda, Nabadda, Horumarka, Barwaaqadda iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland oo ah mid tacab iyo qiimo aad u weyn inagu joogta oo dhamaan aan ognahay heerarkii iyo halkii ay soo martay oo door weyn ay ku lahaayeen ragga manta ku shirsan Daallo iyo dusheedda. Waa wax iska caadiya marka shir shacaayo ee ciddi aayo ka tashi iyo danteedda u dhaqaaqdo in la idaacadeeyo oo wax aan jirin la sheego oo tushuush iyo turturo lagu abuuro, laakiin iyadoo laga duulaayo jawiga iyo jamaamiirta meesha maraysa, shirkan waxaa ka soo baxaaya wax badan oo farxad geliya qaybaha kala duwan ee bulshadda reer Somaliland. Kuwaasi oo kala ah
1- Beesha shiraysa
2- Hogaamiyayaasha Ururadda iyo Xisbiyadda wata ee madasha ku sugan.
3- Bulshadda reer Somaliland guud ahaan.
4- Iyo weliba Xukumadda Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaa hubaala in guusha iyo waxkasta oo lagu faanno Qaran ahaan aan wadda leenahay guud ahaan, waayo waxaynu nahay iskaashato iyo ummad aad isku dhafan oo cidina keligeed ayna guulo gaadhi Karin ama isbixin Karin, marka ay timaado gaadhidda iyo ku guulaysiga hawlaha mahiimkaa ee aan wadda leenahay ee Qaranka iyo hogaamintiisa, Bari ilaa Galbeed weynu isu ciidaminaa, oo is cisaynaa, oo is caawinaa si looga midha dhaliyo hadafyadda iyo himilooyinka ugu mahiimsan ee sidda gaadhidda hogaanka sare ee dalka oo cid weliba xaq u leedahay inay wax hogaamiso oo la hogaamiyo sidoo kale. Guusha aan wadda leenahay waxaa ugu danbeysey oo xasuusteedda iyo ixtiraamkeeddu ka sii qoyanyahay maanka iyo maskaxdda shacabka balaadhan ee reer Somaliland guud ahaan middii kursiga ay ku gaadhey Xukumadda maanta iyo hogaankeeddu. Hadaba Shirka dhaqan ee Beelaha Habar Yoonis uga socda Daallo iyo dusheedda waxaa laga filayaa wax lagu farxo oo dhito iyo aayatiin weyn u noqda jiilka maanta iyo ka beritaba, maadaama uu yahay shir dhaqan oo Siyaasad iyo dhex orod midna aan ku bilaaban.
Alle haydinku guuleeyo dhamaan arimaha nolosha aadamaha asaasiga u ah ee Nabadda, Horumarka iyo Barwaaqadda oo ah kuwa la,aantood aan Nololi jiri Karin marnaba, waanna ku gacantiinna ku jira maadaama aad haldoorkii, waxgaradkii iyo cuqaadhii dalkan iyo dadkan tahiin.
Aamiin.
Cabdilahi Cali Xassan John
Liverpool, UK
