Ururka Warbaahinta Casriga iyo Warfidiyeenada Soomaaliyeedee SOMJA ayaa maanta xubin buuxda ka noqday Ururka  Suxufiyiinta Degaanka iyo Cimilada ee Qaarada Afrikaee loo yaqaano African Federation of Environmental Journalists (AFEJ).

 

Ka mid noqoshada Ururkan (AFEJ) ayaa timid kaddib markii UrurkaWarbaahinta Casriga iyo Warfidiyeenada Soomaaliyeed ee SOMJA uu buuxiyaysharuudihii ka mid noqoshanimo ee Ururka  Suxufiyiinta Degaanka iyo Cimilada ee Qaarada Afrikaee loo yaqaano AFEJ.

 

Ururka  Suxufiyiinta Degaankaiyo Cimilada ee Qaarada Afrika ayaa la aasaay 15-kii bishii April ee 2011-kawaxa uuna matalaa 42 dal oo Afrikaan ah oo uu ka mid yahay dalkeena Soomaaliya.

Waana Urur ka shaqeeya hormarinta Qaarada afrika sidii looguheli lahaa saxafiyiin ka shaqeeya soo tabinta iyo wax ka qorista deegaanka iyobulshadaba.

 

Ururka Somali Online Media and Journalists Association (SOMJA) mahan markii ugu horeysay ee uu xubin ka noqdo Urur, balse wuxuu horey xubinuga ahaa Ururka Suxufiyiinta Degaanka iyo Cimilada ee dalka Soomaaliya ee looyaqaano SOMESHA , Waxa uu sidoo kale xubin ka ahaa Ururka midowga Saxafiyiintaiyo Xoriyatul qowlka Soomaaliyeed ee SOCFEX iyo Ururka Somali ForeignCorrespondents Association (SOFCA), sidoo kale waxa uu si dhaw ula shaqeeyaaUrurka Doha Center for Media Freedom (DC4MF) iyo  Ururka Committee to Protect Journalists CPJ.

 

www.somja.org

Email:kaydkasomja@gmail.com

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook