Xiliga ardaynimada ayaa ah waayo xasuus iyo ma hadhooyin badan ku reebaqofka waxbarta taasi oo saamayn togan iyo mid tabanba ku yeelata aayaha dambeee noloshiisa xumaan iyo samaan .
Hadii ardaygu noqda mid ku guulaysta hanaanka waxbarasho waxaa ayku yeelataa saamayn iyo xasuus aad u wanaagsan soona xasuusisa waayihii uguqiimaha badnaa ee soo maray intii uu wax baranayey ,
halka ay ma hadho ciil iyo calool xumo kureebto markuu qof ku guul daraysto nidaamka waxbarasho balse sababaynta arintan ayaa dadku si kale uduwan u macneeyaan mid waxaa uu dib u milicsadaa wixii ka khaldamay oo hadanaisku dayaa inuu saxo halka kuwa kalena ay eeda dusha ka saaraan dad kale waana nasiib daro weyn hadii aad wax kaaxumaaday eedeeda dusha ka saarto cid kale .
intaasmarkaas ku soo koobo waxaan jeclaan lahaa inaan wax yar ka iftiimiyo maqaal uudhawaan soo qoray shakaba wararka ee www.harowo.com wiil walaalkay ah oo lagu magaacabo maxamed…………. kaasi oo si weyn uga hadlay wax uu ku tilmaamay maamul xumo iyo masusuqmaasuq ka aloosan jaamacadacamuud balse ay muuqato in qadiyadaqabiilku kala weynaatay saamaynta iyo wax ka badalka jaamacada camuud kuyeelaytay bulshooyinka geeska africa.
Tan iyo markii ay burburtay dawladii dhexesomalia 1991 waxaa burburay dhamaan kaabayaasha nolosha dhinaca waxbarashada ,caafimaadka , ganacsiga , wax soorsaarka iyo waliba arimaha bulshada.
Waxbarashada ayaa ka mid ahayd meelaha sidaweyn ugu baaba’ay dagaaladii sokeeye ee dalka kadhacay , balse hoyga jaamacadacamuud oo markii hore ahaa dugsigii hoyga ee camuud ayaa noqday meelaha tiradayar ka badbaaday taasi ay sabab u ahayd dadka degaanka oo xil weyn iska saaray,
hase yeeshee mudo yar ka dib waxaa abuubulsameeyey aqoonyahano tiro badan oo reer awdal ah una hawl galay inay u babacdhigaan sidii ay jaamacad u samayn lahaayeen ragaas waxaas ka mid ahaa
1. Dr:Xasan cali cismaan
2. Dr:Saleebaan ahmed walhad
3. Prof:Faarax Cilmi Fariid (shuun)
4. Idiris muxumed sacad (cunaye)
Kuwaas oo dhamaantood uistaagay dhismaha iyo hanaqaadka jaamacada camuud iyagoo kaashanayaa odayadiidhaqanka ee khibrada u lahaa arimaha waxbarashada iyo bulshada sida alaha unaxariistee Jaamac muxumed gaboose , xaaji Daahir Cilmi , iyo waliba xaajiahmed miisaan ,
04/11/1998 markii uu xadhigaka jaray furitaanka jaamacada camuud madaxweynihii hore ee Somaliland DaahirRiyaale Kaahin oo xiligaas ahaa madaxweyne ku xigeen waxaa umada reer somaliland gaar ahaan dadkajecel waxbarashada u furmay iftiinkii nolosha , maadaama ay camuud ahayd jaamacadiiugu horaysay ee laga sameeyo somaliland , iyo tii ugu horaysay ee laga yagleeloguud ahaan somalia ka dib burburkii qaranka somaliyeed .
Xiligaas jaamacada camuudwaxay qayb weyn ku lahayd hubka dhigistii dalka lagu sameeyay oo dhalin badanoo qoriga qaadan lahayd loo dhiibay qalin iyo buug galisayna hami uu la jaanqaadi karo umadahahorumaray , jaamacada camuud waxaa markii ugu horaysay lagu bilaabay 2kuliyadood balse hada waxay maraysaa ilaa 12 kuliyadood waana jaamacada ugukuliyadaha badan ee jirta geeska africa , sidoo kale darajada 37 kaga jirtajaamacadaha ugu wanaagsan ee africa kanasaraysa in badan oo wadamada dariska ah ku yaala sida Eithopia , kenya iyoUganda , halka ay kaalinta labaadna kaga jirto jaamacadaha ku yaala somaliamarka laga reebo jaamacada muqdisho oo iyadda loo tix galiyay xaaladaha adag eeay ku sheqeeyaan kaliya , waana sababta keentay in jaamacada camuud shir gudoonka noqoto ururka jaamacadaha africa oo u gudoomiye u yahay prof saleebaan ahmedguuleed .
Waxaa sidoo kale iyadna waxlagu farxo ah in jaamcada camuud noqotay jaamacadii ugu horaysay ee samaysaywaxbarashada sare ee masterka iyo Phd taasi oo fursad fiican siinaysa ardaydiidhamaystay degree kowaad ee jaamacada kana baajinaysa inay safar dheer u aadaanwadamada dibeda.
Marka aan u soo noqono saamaynta gudaha ee jaamacada camuud ayaa ah mid habayaraatee la dafiri karin markaynoqoto dhinaca waxbarashada , caafimaad , maamulka maaraynta iyo wax soosaarka .
Waxaa marag madoon ah injaamacada camuud ay soo saartay kumanaan macalin oo hada ka hawlgala dugsiyada sare eesomaliland , puntland , bartamaha iyo koonfurta somalia taasi oo kor u qaadaytayada waxbarasho ee ardayda somalida iyadoo aad meelkasta ku aragto inay kahawlgalaan midhihii jaamacada camuud , arinta ayaa markasta ay markhaati kacaanwasaaradaha waxbarashada somaliland , puntland iyagoo sheegay in hoosa dhaca kuyimid ardayda dhacda imtixaanaadka guud ay sabab u tahay in la helay macalimiintayo leh .
waxaan aan xasuustaa mar aansafar shaqo ku tagay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka puntland mar aantababar ku galayey hoolka wasaarada waxbarashada ee Garoowe 80% macalimiinta halkaa ka hawgalaysayahaayeen qaar ka soo baxay jaamacada camuud mar ay ku jireen qabanqaabadaimtixaanka dugsiyada dhexe iyo sare ee puntland.
Waxaa i farax galiyay hada ooaan joogo Mogadisho inta badan hay’adaha caalimiga ah iyo kuwa qaramadamidoobay ay si weyn uga hawlgalaan midhihii jaamacada camuud.
dhinaca maamulkay iyo maarayntaayaa iyadna doorkeedu yahay mid aad u muuqda taasi keentay in shirkadahaganacsiga ay tayadooda kor u qaadeen iyo waliba sidoo kale hay’adaha caalimiga ah , kuwa qaramadamidoobay iyo waliba ku wadaniga ah ee ka hawl gala guud ahaan somalia .
caafimaadka ayaa ah mid siweyn waxa looga badalay midhaha xariirta ah jaamacada camuud waxay si weyn waxauga badaleen hanaanka caafimaad eecisbitaalada dalka iyagoo markasta hiil iyo hoo ula diyaar ah umadooda , waxayka hawl galaan cisbitaalo aan 20 sano laga hawl galin sida kii ceergaabo ookale , waxay sidoo kale si joogta ah uga hawl galaan cisbitaalada Hargiesa ,Borama iyo Burco , dadyawga ku noolaan magaalooyinkaas oo dhan ayaa aad u soodhaweeyey dhalintan firfircoon ee darayga ah .
markaan aan milicsano dhamaanhorumarada ay jaamacada camuud ku yeelatay qaybaha kala duwan ee bulshada ma isleedahay way u dhigmaan eedaha walaalkeen soo jeediyay ?
jawaabteeda dadweynahaan udhaafi .
waxaa sidoo kale sxbkay aadcarabka ugu adkeeyay prof saleeban ahmed Guuleed kuna tilmamay shakhsi qabiiloo musuqmaasuq badan balse waa nasiib daro inaad qof masuul ah oo bulshadasaamayntaa an soo xusnay ku leh aad wax ka sheegto diin ahaan dadnimo ahaan iyodhaqanka suuban ee somaliyeed ,
miyaad ilawday xadiiskiirasuulka ee ahaa qofkii xaraf i bara waxaan u noqon lahaa adoon ,mise ilawdayin prof saleebaan yahay kan reer awdal u soo jiiday magaca iyo sumacada aysomali dhexdeeda ku leeyihiin ? ,miyaanad xasuusnayn in prof saleebaan yahayshakhsiga labaad ee hormood u noqday in reer awdal ugu aqoonyahano bataansomali marka laga tago alaha u naxariistee Aadam Isaaq oo inta badan reer awdalu fududeeyey waxbarashada dibeda markii uu ahaa wasiirka waxbarashada eesomalia.
Mise shakhsiyaadka aad xustayee laga eryay jaamacada ayaa kaala weynaaday saamaynta jaamacada ?
Arinku haduu sidaa yahaywaligeedba way dhici jirtay marka uu qof ku guul daraysto shaqadiisa in meeshalaga saaro oo cid kale oo hawsheeda u daacad ah la keeno
Camuudna way ka balaadhantahay meel qabiil sheegto waana meel kulmisay dhamaan umada soomaaliyeed kaliyawaxay ku soo jiidatayna tahay dhex dhexaad iyo cadaalada ka jirta jaamacada.
Prof saleebaana aanu ahaynshakhsi inta badan ku shaqo leh arimaha gudaha ee jaamacada waxaan xusid mudaninaan halkan ka cadeeyo inay yarayd wakhiga aan aragno prof saleebaanmarkastana waxaa u ahaa shakhsi ku hawlan sidii uu jaamacada u horumarin lahaa kunaqaata inta badan wadamada dibeda si uu helo macaawano iyo taageero dhinacahorumarka ah .
Waxaan haboon inuu Prof SaleebaanAhmed Guuleed yahay shakhsi lagu daydo ka ugu haboon waxaan xasuustaa mudadiiaan ku jiray jaamacada camuud markaa uu jooga magaalada waxaa uu ahaan jirayqofka ugu horeeyaa ee taga compuska isla markaana ahaa qofka ugu dambeeya eesoo rawaxa tusaale intaas ayaa kuugu filan waana mas’uul inta badan noloshiisau huray horumarka umadiisa ilaahay cimrigiisa ha dheereeyee .
Sxbkeenn waxaa sidoo kale uu eed u jeediyay ardayda kaqalin jabisay jaamcada camuud hadana loo qaato macalinimo , waxay ila tahay sxbken inaanu Borama dhinac u dhaafin kana warqabin nidaamka ay jaamacaduhu ku shaqeeyaan waxay ahayd inaad ka xishootoaflagaado qof aqoontiisa lagu qaatay kartina u leh fulinta iyo gudashadashaqadiisa .
Guulaha ay jaamacadu gaadhaywaxaa sidoo kale ka mid inay kutalaabsato himilo ah inay isku filnaato iyadoo ardaydeedii hada madax ka yihiinqaybo badan oo jaamacada ah taasina ay taariikhda camuud baalka dahadka ah ka gashay.
Jaamcadda EELO waa jaamacadii labaad ee laga sameeyomagaalada Borama waana hay’ad wax weyn soo kordhisay oo aan la xaqari karinwaana fikir loo baahnaa in mar hore la dhaqaajiyo waana talaabo ku dayasho lehoo culuskii badnaa ka qaaday jaamacada camuud , sidoo kale waa guulahajaamacada oo ahayd hooyadii jaamacadaha somalia intii dawladii dhexe bur burtayhadii aan camuud la samayn lahayna way adkaan lahayd in lagu dhiirado jaamacadla furo, hooyana way jeceshahay in ilmaheedu horumar gaadho oo hano qaado.
Ugu dambayntii waxaan ku soo koobi inaad kalasaartaan xulashada aqoonta iyo tan siyaasada , kuraasta siyaasada ayaa habbeeleed loogu loolamaa lakin aqoontu waa hadba bartay ku dhigto aqoontaadu , jaamacadunamaaha sidii kuraasta dawlada ee sedexda dhadhaaar ee waa meel u furan cidkasta oo soomaali ah.
Beelaha gobalka degana waa dad wada dhashay oo walaal ah ilamana ah inay waajib tahay tahy in la wadasinaado meel kasta aduunka waxay leedahay madax iyo mijo , ugama jeedo beelnawaa madax midna waa mijo balse waa lagu kala horayn karaa arimaha qaar waxaana haboon in lagu loolamo wanaaga balseaanad ka xumaan horumar iyo fikir uu walaalkaa soo kordhiyey adna way haboonaydinaad fikir la timaado lakin waxkasta waan mucaaradayaa dee wax kaa soconayaamaahaa , way dhici kartaa in waxbarashadu si kaaga hortimid lakin fadlan sxbdaris wixii kaa khaldamay iskuna day inaad saxdo , hadii sxbkaa ama walaalkaaaad isku class ahaydeen laga shaqaalaysiiyay jaamacada inaad u hambalyayso ayaafiicanayd lakin maaha in cidii wax ku soo bartay aad maalinkasta aflagaadowarbaahinta u mariso inaad beel la coltahayna waxaan filayaa inaanayn waxba kuutarayn marka laga reebo inaad habeen walba calool xumo ku seexato iyo reernacayb oo kaba darane aanay kuu ogaynwaxaas oo dhan qolada aad u cadhoonayso . sharafta sumcada , magaca iyo karaamadunamaaha mid lagu dhashee waa mid la gaadho laguna gaadho dadaal iyo qalbifurnaan.
Ugu dambayntii waxaan kuu sheegayaa inaansiyaasi iyo aftahan lagu noqon aflagaadada astaanta umada reer Awdal iyo guudahaan umada soomaaliyeed.
W/A :Eng: Ahmed Bashiir Hassan
Mogadishu , Somalia
