London(Subulahanews)-Sida ku qoran warbixin lagu daabacay wargeyska The Daily Telegraph ee ka soo baxa dalka Ingiriiska hay’ada sirdoonka dalkaasi Ingiriiska ee la yidhaahdo MI5 iyo booliska adduunka ee Interpool ayaa ka war helay in haweeney u dhaxday nin sanadkii 2007 qaraxyo ka geystay magaalada London ee xarunta Ingiriiska oo lagu magacaabi jiray Jerma Lindsay ay ku sugan tahay qeybo ka mid ah koonfurta dalka Soomaaliya islamarkaana ay tababaro siiso haween Soomaalida ah oo ka tirsan Xarakada Al- Shabab oo Soomaaliya ka dagaalama.
Haweenaydan oo lagu magacaabo Lewthwaite hase ahaatee Shabaabka dhexdiiisa loo yaqaan magaca Dada Mzungu oo la macnno ah Gabadha walaasheen ah ee cad, ayaa markii uu ninkeeda qaraxyo ka geystay dalka Ingiriiska, waxaa ay u socdaashay dalka Kenya gaar ahaan magalada xeebta ku taala ee Mombasa oo ay hay’adaha amaanka Ingiriisku sheegeen inay ku sugneyd.
War bixinta waxaa lagu sheegay in markii ay gashay dalka Kenya in booliska Kenya ay ka war heleen oo lagu war geliyay inay soo qabtaan haweenaydaasi hase ahaatee waa ay ka baxsatay waxaana gurigii ay daganeyd laga helay waxyaabo qarxa oo laga sameeyey waxyaabo Kiimikaal sida Booliska Kenya sheegeen.
Bishii December ee sanadkii la soo dhaafay ayaa booliska adduunka Interpool iyo hay’adda sirdoonka dalka Ingiriiska ee MI5 waxa ay ogaadeen xog ku saabsan in haweenaydaasi ay abaabulayso qaraxyo ka dhaca dalka Kenya gaar ahaana magaalada Mombasa
Qaraxyada ayaa haweenaydani waxaa la sheegay inay gacanteeda ku samayso waxaana wargayska warbixintan qorey ee The daily Telegraph uu leeyahay nasiib darro booliska Kenya waxa ay ku guul dareysteen soo qabashada Lewthwaite Sarkaal ka tirsan booliska Kenya oo ku sugan magaalada Mombasa ayaa wargeyska daily Telegraph u xaqiijiyay in Lewthwaite ay ka gudubtay xadka Kenya isagoo sheegay .inay hadda ku sugan tahay meel ka mid ah gobolada koonfurta Soomaaliya ku yaala oo ay tababaro siiso haweenka u dagaalama Al-Shabab.
Qoraallo ku aadan baraarujin dhanka jihaadka oo ay haweenaydani u dirtay haween kale oo ku sugan dalka Tanzaaniya ayaa muujinaya inay ku sugan tahay dalka Soomaaliya, waxana arintaasi caddeenaysa ayuu leeyahay wargeyska inay isticmaalayso isgaadhsiinta dalka Soomaaliya lagana ogaaday furaha Soomaaliya oo ah +252..
Qoraalada ay qortay islamarkaana ay soo heleen booliska adduunka ee Interpool la yidhaahdo iyo hay’adda sirdoonka Ingiriiska ayaa dhamaantood waxa ay ahaayeen kuwo ay ku baraarujinayso haweenka aan Muslimiinta aheyn, iyadoo ugu baaqaysa ” Inta aadan ku halaagsamin adduunyada waa inaad noqotaan haween u gar gaara Ilaahey oo diinta difaaca “.
Lewthwaite ayaa wargeysku waxa uu leeyahay yaraanteedii waxay jeclayd inay noqoto gabadh Mujaahidad ah iyadoo jecleyd in maalin maalmaha ka mid ah ay u gar gaarto diinta Alle sida warbixinta lagu qoray, Inka badan 5 jeer ayaa la’aaminsan yahay inay ka bad baaday isku day la doonayay in lagu qabto.
Saaxiibadeed ayaa weydiiyay waxa uu yahay Jihaadka , waxanay ugu jawaabtay in jihaadka uu garanayo cidda ku dhexjirta, hadii aad doonaysaan inaad fahantaan micnaha jihaadka imaada Soomaaliya oo kaalmeeya walaalihiina u gar gaaraya diinta ee dagaalada ka wada Soomaaliya ayay ugu jawaabtay saaxiibadeed sida ku waramayo wargeyska war bixintan maanta qoray ee Daily Telegraph.
Si kastaba waxaa haatan la rumaysan yahay in Lewthwaite oo ah xaaska ninkii ka dambeeyay qaraxyadii ka dhacay magaalada London Ingiriiska iyadoo isticmaalaysa magaca ah Dada Mzungu ay ku sugan tahay Soomaaliya isla markaana ay tahay sarkaalad tababarta haweenka Soomaaliyeed iyo kuwa kale ee aan Soomaalida aheyn ee Xarakadda Al-Shababka kala qeyb qaata dagaalada ka dhanka ah dowladda KMG Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.
Xarakadda Al-Shabab xidhiidh wanaagsan la leh ururka Al-Qacida dad badan oo aan Soomaali aheyn ayaa la aaminsan yahay inay ku garab siiyaan dagaalada ay Soomaaliya ka wadaan.
Qaraxyo Soomaaliya ka dhacay oo Shabaabku masuuliyadooda sheegtay ayaa la sheegaa inay fuliyeen haween waxaana ugu dambeeyay qaraxii 4-tii bishii April ka dhacay xarunta Golaha Murtida iyo Madadaalada ee National Theatre oo ay dad badan ku waxyeeloobeen.
Source:The Daily Telegraph

Haweenka musliminta ah waxaan kula talin lahaa in aanay qof muslim ah dhiigiisa daadin waayo waxa aad ku mutaysanaysaa cadaabka Alleh waayo Ilaahay qof muslim ah oo xaqdaro lagu dilo waxa uu ka jecelyahay in ay aduunyadu dhamaanteed rogmato markaa hadii ay awoodaa iyo adaygaa intaa leeg ay leedahay walaalahayga muslimiinta ah waxaan odhan lahaa iskaga feejignaw waa maalmo aduunyaydaniyee ayaanay ku dagin xigmaduna ayaanay kuu dhuuman Allaahu Aclam