Hargeysa (Subulahanews) La-taliyaha Arrimaha Haweenka Madaxweynaha Somaliland Marwo Amaal Xaaji Axmed Miisaan ayaa Haweenka Somaliland ugu baaqday in ay u diyaar garooban Mudaharaad baladhan oo ay kaga soo horjeedaan Golaha Wakiilada ee Somaliland, oo ay sheegtay in ay haweenka Somaliland ka horjoogan Xuquuqdii uu Dasduurka Somaliland uu siiyey, ee aha Kootada loo jaangooyey Haweenka.

Marwo Amal oo Arrintaasi ka hadlaysaa waxay tidhi“waxaan leeyahay Haweenka Somaliland waa in aad sameysaan Mudaharaad aad kaga soo horjeedan Golaha Wakiilada, waayo Xuquuqdeeni ayey hortaagan yihiin, waxa inoo balan aha idinka oo isa soo hortuba Golaha Wakiilada oo ku mudahaarada , waa in aydaan ka dhaqaaqin ilaa Golahaasi ansixinayo Samiga aynu ku leenahay Golayaasha Qaranka ee Kootada laynoo siiyey”Ayey Tidhi Marwo Amal.

Subulahanews.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook