Hargeysa (Subulahanews)-Xukuumadda ayaa Amar ku siisay Qoysas degan Guryihii Badhasaabka Ingiriiska iyo Shaqaalihiisu deganaan jireen ee Xaafadda Shacabka ee ay hore Xukuumaddu uga hor rartay Dad Jiingado iyo Buulal ka hor dhistay oo ay Booliisku Rasaas kaga saareen khasaarena ka dhashay.
Guryahan oo ah Dhismayaal Dawladdu leedahay oo ku dhex yaala Xarunta Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex waxa loo dhisayaa Wasaarado ay ka mid yihiin Arrimaha Gudaha iyo Dibedu, waxaana la sheegay Amarka dadka ku jira Guryahaas inuu ku siman yahay toddobaadkan inay kaga baxaan.
Ma jirto Wax cad oo loo hayo dadkaas oo ay markii horeba Xukuumaddu uga tagtay ilaa inta Qorshe loo helayo inaan laga rarin hase yeeshee talaabadan ay imika ku rarayso ayay walaac ka muujiyeen qoysaska ku jiraa, waxaanay sheegayaan in lagu daadinayo halkii lagu daadiyay qoysaskii ka horeeyay ee laga raray guryahooda hortooda.
Mid ka mid ah Qoysaska degan xaafadaasi oo nala soo xidhiidhay kana gaabsaday magaciisa ayaa u sheegay in ay talaabada Xukuumaddu ula timi tahay mid aan la aqbali Karin isagoo is bar bar dhigay qorshaha ay imika wado iyo qorshaha lagu raro dadka guryaha Dawladda ku jiraa inaanay sinayn.
“ Anigu waxaan ahay shaqaale Dawladeed, waxaan guriga ka Iibsaday Jabhadii qabsatay, Siilaanyo, Saleebaan Gaal iyo Wasiiradda ku jira Guryaha noo dhaw oo dhamina sidaasoo kale ayay Inamadii Jabhada uga wada Iibsadeen markaa miyaanaan lahayn xuquuqda ay kuwaasi leeyihiin oo kale Sidee baa wakhtigan ay Ramadaantu soo galayso Xukuumaddu u tidhaahdaa iyadoo aan xuquuqdayada meel dhigin waa la idinka saarayaa” ayuu yidhi
Waxaanu intaas raaciyay “ maxay ku kala duwan yihiin Guriga aan ku jiro ee Dawladda iyo Guryaha ay imika dhisanayso Rugta Ganacsigu ee Maqaaxiyihii Burcaan ka imi ku jiri jireen, Sadex wasaaradood baa loo dhisayaa baa la leeyahay, kuwaas Rugta Ganacsigu dadkii ku jiray Guryay u dhistay markaa ma cadaaladbaa” ayuu raaciyay
Isagoo ka hadlaya khrashka guriga uu ku jiro ka galay waxa uu yidhi “ Guriga aan deganahay waa sadex qol, xaas badan baan ahay, markii aan galayay kharash badan baan galiyay oo aan dib ugu dhisay markaa Xukuumaddu waa inay Ixtiraantaa Xuquuqahaas oo dhan oo aanay arrinta midi roortayn sidii hore u dhacday oo kale ee khasaaruhu ka dhashay” ayuu kaga baxay.
Dhinaca Xukuumadda ilaa hada wax war ah oo rasmi ah oo sheegaya inay Guryahaas dadka ku jira ka saarayso kamuu soo bixin, hase yeeshe ila wareedyo Waaheen helay ayaa sheegaya in Qandaraaskii Wasaaradahaas loogu dhisi lahaa dhulkaas dadka laga rarayo toddobaadkan la bixinayo.
Goobtan Wasaaradaha laga dhisayo oo ah goob aad u balaadhan waxa deganaan jiray Badhasaabkii Ingiriiska waxaana Oolo jiray dad badan oo Dan yar ah balse ilaa wakhtigii dadkaas laga raray waxa ku sii hadhsanaa Qoysaska ku jira Guryaha Dhismayaasha ah, kuwaasoo markaa laga dul booday oo aan laga saarin.
Subulahanews.
