Boorama(Subulahanews)–Munaasibad lagu qabtay Magaalo Madaxda gobolka Awdal ee Boorama ayaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyay 183 arday oo in muddo ah baranayey waxbarashada dadban.

Ardayda shahaadooyinka la guddoonsiiyay oo isugu jira Gabdho iyo haween waayeel ah oo bartay culuunta lagu qaato dugsiyada hoose dhexe ee dalka, ayaa munaasibada shahaadooyinka lagu guddoonsiyay waxa ka qayb-galay isku-duwaha wasaarada waxbarashada ee gobolka Awdal Axmed Cigge Riiraash, macalimiinta ardaydan wax baray iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Ardaydan shahaadooyinka la siiyay ayaa waxay qayb ka yihiin 438 arday oo ka qalin-jabiyey 13 goobood oo ka mid deegaanada hoos yimaada degmada Boorama, kuwaasi oo iyaguna muddo baranayey waxbarashada dadban.

Goobaha waxbarashada dadban ay ku qaateen ardayda shahaadooyinka la guddoonsiiyay iyo kuwo kale ee qalin-jabiyeyba waxa maalgalisa hay’adda GAA, taasi oo la socota hanaanka waxbarashadani uga socoto goobahaasi.

Munaasibadan ayaa waxa hadal ka soo jeediyay isku-duwaha wasaarada waxbarashada gobolka Aw Mr Axmed Cigge Riiraash, waxaanu hay’adda GAA iyo macalimiinta hawshan fuliyeyba ku bogaadiyey dedaalka ay sameeyeen ee ay wax ku bareen dadka intaasi dhan, isaga oo sheegay in wasaarad ahaan ay diyaar ula yihiin wax kasta oo ay uga baahdaan.

Waxa kale oo halkaasi ka hadashay Safiya Cabdi Yuusuf oo ka mid ah hawl-wadeenada hay’adda GAA u qaabilsan waxbarashada dadban, waxayna ka sheekaysay marxaladihii kala duwanaa ee ay la soo mareen ardayda qalin-jabiyey ee shahaadooyinka la guddoonsiiyay, iyadda oo si gaar ah ugu mahad-naqday macalimiintii isku hawlay sidii ay ardaydan u soo saari lahaayeen.

Marwo Safiya waxa kale oo ay sheegtay in ardaydani yihiin dufcadii 10-aad ee qaadata waxbarashada dadban ama aan tooska ahayn.

Ugu dambayn waxa halkaasi ka hadashay Janice bordery oo ah madaxa hay’adda GAA ee mashruuca waxbarashada dadban, waxayna sheegtay in hay’addoodu dedaal dheer u gashay sidii ay gacan uga gaysan lahayd kor u qaadida waxbarashada gabdhaha, iyadda oo tilmaantay in hay’addu aanay intaasi ku joojinayn waxbarashadan, balse ay sii wadi doonto.

Gabo-gabadii xaflada ayaa ardayda waxa shahaadooyinkooda gudoonsiiyay Janice bordery iyo Safiya Cabdi Yuusuf.

Hay’adda GAA ayaa gacan ka geysata arimaha ay ka mid yihiin beeraha, xoolaha, waxbarashada tooska ah iyo wadooyinka oo ay bulshada ka taageeraan sidii horumar looga gaadhi lahaa.

Subulahanews.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook