“Wuxuu Sheegay in Reer Awdal lagaga daydo waxbarashada iyo Wadooyinka, dhismaha madaarkana noqon doono mid mudan oo hore looga daahay”

Boorama (Subulahanews)– Dr Saleebaan Axmed Walhad oo ah Guddoomiyaha Baanka Dahabshiil ee Magaaladda Jabuuti ayaa qorshaynaya sidii uu Magaalo Madaxda Gobolka Awdal ee Boorama uga hirgalin lahaa garoon diyaaradeed.

Dr Saleebaan Axmed Walhad iyo ganacsato reer Jabuuti ah oo booqasho ku tagay Magaaladda Boorama ayaa booqday garoonka diyaaradaha Boorama oo dayactir la’aan awgeed aan u shaqeyn muddo ka badan 20 sanadood, waxaana Dr Saleebaan iyo ganacsatadii la socotay ka naxeen xaalada uu ku sugan yahay Madaarka diyaaradaha Boorama.

Guddoomiyaha baanka Dahabshiil ee Jabuuti oo labadii maalmood ee u dambeeyay ku sugnaa Boorama ayaa qorshaha uu ku doonayo inuu madaar uu si gaar ah u leeyahay kaga hirgalinayo Boorama cadeeyay shalay ka dib markii uu saxaafada kula hadlay Magaaladda Boorama.

Dr Saleebaan oo safarkiisa Boorama uu ku wehelinayey ganacsade reer Jabuuti ah oo lagu magacaabo Maxamed Maax iyo xubno kale, ayaa ka hor intii aanu dib uga noqon Borama sheegay inuu u yimid sidii uga qayb-qaadan lahaa horumar uu sheegay inuu ka socdo Boorama, isaga oo tilmaamay in hadadfkiisa koowaad yahay sidii uu garoon diyaaradeed oo casriya ugu dhisi lahaa Magaalada Boorama, damacsan yahayna in garoonkaasi noqdo mid gaar ah.

Dr Saleebaan ayaa sidoo kale sheegay in arimo badan lagaga dayday Bulshada ku dhaqan gobolka Awdal Sida Jaamacaddaha, Wadooyinka iyo arimo kale madaarkana noqon doono mid ku dayasho mudan oo hore looga daahay.

Dr Saleebaan Axmed Walhad, ayaa ka hor intii aanu dib uga noqon Boorama, waxa garoonka diyaaradaha Boorama ee fadhiya geeyay Madax-dhaqameed, siyaasiyiin iyo dad kale, iyadda oo Dr Saleebaan iyo ganacsatadii kale ee reer Jabuuti ay la yaabeen garoonkaasi oo hadda dhir ka dhex baxday isla-markaana dhismayaashiisii xoolaha lagu xeraysto, taasi oo fadeexad ku ah xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo, gaar ahaan Wasaarada duulista hawada oo aan xil iska saarin sidii ay dayactir ugu samayn lahayd madaarada dalka ee ka Boorama ka mid yahay.

Subulahanews.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook