Taariikhdu Waa Silsilad is Qorta Oo aan Dib Loo Duubi Karin Xumaan iyo Samaan Labadaba Waa Laga Helaa, Cidii Isku Dayda Inay Been Ka Sheegaan Waxay Ku Noqotaa Golxad Laba Afle ah Oo Kala Goysa.
Ismaandhaaf !
Ismaandhaafku Waa Wadka Fikradaha & Aragtida Kala Duwan’ Waxaana uu Shukaanta u Hayaa Dhamaan Qalbiyada Aan Miidaanta u Lahayn Weedhaha Togan ee Ruuxa Ku Soo Dhacaya’Murtiduna Waa Waxaan Doonayaa Anigu Waxaad Diidan Tahay Adigu/Idinku’ Waxaad Diidan Tahayna Gacaloow Waa Dooqayga Anigu/Inaga’ Ismaandhaafku Waa Arrimo La’fil ah Jiritaanka Aadamaha Waa Xaajooyin Curada Gama’a & Gasiinkana Inoo Wada Diiday’ Waa Midaan Xuuran Kari La’anahay Waana ku Kadsoonaa Goor & Ayaan.
Hal Xiraalaha Ismaandhaafku Wuxuu Yahay!
A) Tolow Su’aal baan Qabaa Jawaabteedase Waan Hayaa?
B) Shirka Waanu Qaadacnay Sababtoo ah?
C) Qabanqaabada& Agaasinku Waa Fiicanyahay Laakiin?
D) Qodobada La’soo Bandhigay Waa Muhiim Laakiin?
E) Howlwadeenadda Waa In La Badalaa Sababtoo ah?
Waa Duni Xad Gudubtay !
Waa Duni Xad Gudubtay Xaquna uu Baadil Qariyay’ Waa Saban Ninkii Waanin Lahaa uu Walbahaar Ku Beerayo’ Hadaba Waxaa Jira Arrimo Ka Xun Diihaalka & Daranyada aanu La’ildaranahay, Waxaana Aaminsanahay Inay Jiraan 2 Nooc oo Abaara,
1) Abaar Duunyo: ( Xoolo ) Waana Markay Kaa Idlaadaan Dhamaan Xoolihii Aad Dhaqanaysay ee aad Qof & Qoysba Ku Ahayd’ Waa Afarta Meesi Oo Kaa Moora-duugma Sida Geela, Loda, Adhiga & Gamaanka Arinku Kolkaa Waa Murtidii Ahayd ( Caydhi Cay Ma Diido ).
2) Abaar Dadeed: Waa Hormoodka oo ay Inkaari Kaaga Dhacdo’ Waa Shaqsiyaadkaad Talo & Teelaba Ku Filaysay oo aan Hor & Gadaal Midna u Socon’ Sida Qaalibka ah Ruuxa Wax Curiyaa iyo Kani Waxa La Hindisay Fuliyaa Labaduba Waxay Leeyihiin Xaq & Xaquuq Waafi ah, Docda Kale Waxaa Maanta Jira Dhaqamo Sida Daadka Inoo Dhex Socda Waxaana Ka mida- Hadaad Ruux Isqabataan Inaadan Waxba Xeerin Wada Dhalasho Majirto! Tolnimo Haba Igu Soo Qaadin! Gacalnimo Warkeedaba Ka Hadh! Saaxiibtinimo Sankaan Ka Haystaa!! Mida Kale Waa In Wax Waliba Gunta Loo Saaraa Hadaan Ku Fashilmo Xilkii ay Ummada ii Igmatay’ Midna Ku Darsada oo Qaladka Waxaa Iska Leh Hebel & Beeshiisa Waayo Iyagaa Iga Soo Horjeeday Wayna Isla Wada Ogyihiin.
Abaar Dadeed Waxay Ku Araaranaysaa !
- Xil-doon Baan Ahay Balse Xal-doon Maahi?
- Bulshada Imaysan Dooran Balse Anaa La’haanshahooda Leh?
- Dhalinyartu Waa Cadowga Qorshaheena Qarsoon?
- Haweenkuna Waa Halbowlaha Kacdoonka Dulmanayaasha?
Markale Waxay Tidhi ‘ Abaar Dadeed ‘ Gudoonshuhu Waa Aniga, Geela Waa Aniga, Gamaanka Waa Aniga, Garta Waa Aniga, Go’aanku Waa Aniga, Samaha Ma’ogoli, Su’aal Ma’ogoli, Saxar Ma’ogoli Sahayna Waan Idinka Doonayaa Ayay Ku Soo Afmeertay Abaar Dadeed:
Lasoco Qaybta Xigta Qormadeena,,,,,
W: Q: Suxufi Abroone
United Kingdom
Allaa Mahada Leh,
