“halkan waxaanu ku fadhinaa inta badan ee Gudida fulinta Berri khamiista(manta), ayaanu shir aanu kaga tashanayno UDUB qabsanaynaa”Axmed Yuusuf Yaasiin
Hargeysa(Subulahanews)–Guddoomiye ku xigeenka xisbiga khilaafku kala daadshay ee UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay Jamaal Cali Xuseen oo ku biiraya xisbiga UCID oo u caleemo saaraya Musharaxa Madaxwaynaha.
Axmed Yuusuf Yaasiin iyo xubnaha ay isku garabka yihiin ee xisbiga UDUB oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay Magaaladda Hargeysa, ayaa sheegay in Jamaal Cali Xuseen oo ay hore ugu caleemo saareen Musharaxa xisbiga UDUB u ordi doona ay u fasaxeen inuu ka baxo xisbigaasi oo uu ku biro UCID.
Md Yaasiin, waxa uu sheegay in Markii Jamaal u soo bandhigay ka tagistiisa UDUB ay ku hambalyeeyeen uguna duceeyeen xisbiga UCID ee uu ku biiray “Jamaal Cali Xuseen wuu noo yimid anagoo ah xubno badan oo ka mid ah Gudida fulinta ee xisbiga UDUB, Wuxuu noo sheegay inuu ku biirayo xisbiga UCID, anaguna waanu ku raacnay oo waxaanu ugu ducaynay inuu ILAAHAY u barakeeyo xisbiga uu ku biirayo, Isna (Jamaal) wuu noo duceeyay” ayuu yidhi Guddoomiye Axmed Yuusuf Yaasiin oo intaa ku daray “Jamaal Cali Xuseen wuu noo yimid waxa uu nagu yidhi wakhtigu wuu igu dheeraaday, waxaanan doonayaa in la ii sii duceeyo oo aan u guuro xisbiga UCID, anigu ka xisbi ahaan guddida fulinta ducaanu raacinay”
Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa kale oo uu sheegay inay maanta ahaan garabkoodu yeelanayo wada-tashi aanu ujeedadiisa sheegin “Garabkan u badan fulintii xisbiga UDUB waxa aanu ku ballansan nahay Khamiista (Maanta) galinka dambe inaanu shir qabsano”ayuu yidhi.
Jamaal Cali Xuseen oo maanta Munaasibad xisbiga UCID ku soo dhawaynayo loogu qabanayo Hargeysa, ayaa 3-dii bishii January ee sanadkan inta badan guddida fulinta xisbiga UDUB oo uu hogaaminayo Axmed Yuusuf Yaasiin u caleemo saaray musharaxa Madaxwaynaha ee xisbigaasi u ordi lahaa doorashada Madaxtooyada dambe, balse Caleemo saarida Jamaal ayaa khilaaf culus oo xisbiga ka dhex dhalisay, taasi oo sababtay in Guddoomiyaha xisbigaasi Daahir Rayaale Kaahin uu dalka dibadiisa isaga oo ku maqan laalo musharaxnimada Jamaal Cali Xuseen, isaga oo sidoo kalena hadalka Daahir Rayaale sii kala fogeeyay guddoomiye ku xigeenkiisa iyo xubno badan oo xisbiga miisaan ku leh.
Khilaafka xisbiga UDUB ee ka dhashay caleemo saarida Jamaal oo ilaa hadda taagan ayaa gaadhay in Daahir Rayaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin maxkamad sare isla galaan, iyadda oo labada masuul isku haysteen awooda hogaamineed ee xisbiga UDUB.
Dhanka kale, Jamaal Cali Xuseen oo dhawaan markii uu dalka dib ugu soo laabtay sheegay inuu wada tashi la samaynayo xulafiisa UDUB oo uu ka mid yahay Axmed Yuusuf Yaasiin, isla-markaana ay go’aan kaliya qaadan doonaan haddii UDUB ay tahay iyo haddii ay meel kale tahayba, ayaa u wareegidiisa xisbiga UCID kali ku ah, ka dib markii xulafiidii ay isku mabda’a ahaayeen UDUB kaga hadhay.
Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlaya wada tashiga uu sheegay inuu la yeelanayo xulafiisa UDUB ee hadda ka hadhay ayaa yidhi “Hadalkii haddii lagu cel-celiyo wax qiimo ah ma yeesho, intii aan odhan karayey waan idhi intii garteyda ahaydna waan sheegtey, Markaa wada-tashigaasi balaadhan ka dib ee aan sameeyo ee dadka figradahooda ogaado ee go’aamadii miiska noo saarnaa ee aannu qaadan karaynay ama UDUB ha noqoto ama meel kale ha noqotee inaannu markaa kaga dhawaajino ayuun-bay noqon doontaa haddii Illaahay yidhaahdo”ayuu yidhi wakhtigaasi, balse sida muuqata xulafiisa garabka Yaasiin ee UDUB waxay ilaa hadda ka fikirayaan inay UDUB sii ahaadaan iyo in kale.
Subulahanews.
