Hargeysa(Subulahanews)–Raysal-wasaare ku xigeenka Dawlada Turkiga Bulent Arinc ayaa la filayaa inuu 16-ka bishan Julay booqasho rasmi ah ku yimaado Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Xukuumadda Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegtay in raysal-wasaare ku xigeenka Turkiga Bulent Arinc uu safar ku imanayo Magaaladda Hargeysa, iyadda oo la filayo in ujeedada uu Somaliland u imanayaa tahay sidii dawlada Turkigu u sii balaadhin lahayd deeqaha ay Somaliland siiso
Agaasimaha tacliinta sare ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland Khadar Axmed Diiriye oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay Magaaladda Hargeysa isla-markaana kaga hadlay deeqaha waxbarasho ee Turkigu ardayda Somaliland siiyo ayaa cadeeyay in raysal-wasaare ku xigeenka Turkigu imanayo Hargeysa 16-ka bishan July.
Agaasimaha Tacliinta sare, waxa uu sheegay in marka ay dalka soo gaadhaan weftiga Raysal-wasaare ku xigeenku ay kordhin doonaan deeqaha kala duwan ee ay Somaliland ugu yaboohaan, gaar ahaan dhinaca waxbarashada “Waxa aan idiin sheegayaa 16-ka bishan waxa laga yaabaa in uu Somaliland yimaado raysal wasaare ku xigeenka dawlada Turkiga”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Deeqo waxbarasho oo Turkiga ah oo aan tan ahayn in uu inoogu baaqo ayaa laga yaabaa”
Imaanshiyaha raysal-wasaare ku xigeenka dalka Turkiga ayaa ilaa hadda waxa aan ka hadal xukuumadda inteeda kale, balse wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa markii uu ka soo laabtay shirkii Istanbul iftiimiyey in wefti sare oo ka socda dalka Turkigu Somaliland booqasho ku imanayo.
Subulahanews
