Boorame(Subulahanews)-Cali Xuseen Cali oo ah Qasnajiga iyo Xisaabiyaha Dekeddaha Saylac iyo Lughaya oo uu dhawaan Maareeye ku-xigeenka Dekedda Saylac sheegay isagoon waxba u sheegin in uu Qasnada kala baxay lacag dhan laba milyan iyo toddoba boqol oo kun ayaa sheegay inaanay arrintaas waxba ka jirin “Maareeye ku-xigeenka leh maan ogayn goor uu baxay oo waan la’ ahay Qasnajiga waxba kama jiraan, Lacagta uu sheegay inaan la baxayna hala weydiiyo Lacagta aanu Qasnadda ku xaraysanaa halkay taalo, anigu waxaan ahay Xisaabiyaha iyo Qasnajiga Dekeddaha Saylac iyo Lughaya lacagta aanu qabano Baanka ayaanu ku xaraynaa,qoraalka aanu ku dhigno ayuunbaanu ka qaadanaa” ayuu yidhi isagoo faahfaahin ka bixinaya qaabka uu uga yimid Saylac ee uu Boorame ku joogana waxa uu yidhi “ fasaxayga Maareeyaha ayaa joogay markaan qaatay, haddii aanu lacag u baahanana Jeeg ayaan Baanka kaga qaadanaa, haddii markaa Baanku xidhan yahay waxa aanu la macmiilanaa Sarriflayaasha, lacagta aan ku soo ambabaxayna Maareeyahaa I siiyay oo Sarariflahaas baan ka soo qaatay ee
waa Wanjalaad lacagta kale ee uu sheegayaa” ayuu raaciyay
Mar uu ka hadlayay Maareeyuhu waxa uu arrintan ka ogyahay waxa uu yidhi “ anigu marka horeba waxaan Boorama u Imaday Walaalkay oo xanuunsanaya oo dibeda laga keenay, waan tagi lahaa laakiin Maareeyihiibaa sii raacay wefti Madaxweyne ku-xigeenka oo Saylac tagay, wax kalana ma aha ee Maareeyaha ayay hore isaga isugu dhaceen tii uun buu mixnad ka dhex samaynayaa, isagaanan filayaa marka uu tago inuu wax ka qaban doono” ayuu kaga baxay.
Subulahanews.

saylac waa dekada gobolka salal waxanan rajaynyaa in la furi doono insha Allah waxaan dadka gobolada gabiley, awdal iyo salal leehay dhulka idin sugaya in aad wax ka qabataan weeye ee u kaca in aad dekadaa furtaan oo dadkiinu uu ku hagar beelo si fududna wax uu lasoo dago dhaqaalana dalku iyo dadkuba uga helaan
waxaan hubaa inn la furidoono maalin maalmaha ka mid ah insha Allah