London(Subulahanews)

Dikreeto ka soo baxdey Xafiiska madaxweynaha maamul goboleedka Awdal State.

14/07/2012

Tusmo/06

Dib u shaandheyn iyo isku ururin wasaaradaha Maamul Goboleedka Awdal State ee Soomaaliyeed .

Ka dib markii la arkay baahida loo qabo in dib la iskugu shaandheeyo golaha wasiirada Awdal State si loo adkeeyo tayadooda maamul wanaag, korna loogu qaado habsami u socodka maamul goboleedka Awdal State, ka dib markii uu madaxweynaha Awdal State garyaqaan Rashiid Aw Nuur Xirsi wada tashi la yeeshay madaxweyne ku xigeenka Awdal State Cabdillaahi Cabdiraxman Maxamad ayuu si rasmi ah u magacaabay maanta oo bishu tahay 14/7/2012 golaha wasiirada, xafiiska xidhiidhinta golayaasha iyo wakiilka hoos ku xusan:

1 Mudane Siciid Maxamad Faarax oo loo magacaabey wasiirka arimaha bulshada.

2 Mudane Col. Xasan Xuseen Riiraash oo loo magacaabey wasiirka gaashaandhiga.

3 Mudane Cali Faarax Cabdillahi oo loo magacaabey wasiirka arrimaha gudaha.

4 Mudane Mahdi Muse Isaaq oo loo magacaabey wasiirka warfaafinta.

5 Xxxxxx – wasiirka arrimaha dibada oo dib laga magacaabi doono.

6 Mudane Rashiid Nuur Beegsi Wakiilka wadamada Scanadanivian – ka

7 Mudane Suleyman Cabdi Dugsiiye, marwo Sahra Jibril, mudane Suleyman Muuse Hami iyo Idil Cabdillaahi Xasan oo loo magacaabey xafiiska xidhiidhinta golayaasha iyo maamulka sare,

Fiiro gaar ah: Dib ayaa laga soo shaacin doonaa golaha guurtida.

Wa Billaahi Towfiiq.

Xafiiska Madaxweynaha maamul goboleedka Awdal State ee Soomaaliyeed.

Subulahanews.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook