Magaalada Baki oo ah caasimadii hore ee gobolka Awdal waxa dhawaan ka furmey shir ay isugu yimmaadeen beelaha reer Maxamed kaas oo socdey muddo labo iyo labaatan cisho ah, shirweynahaas oo loogu magac darey Tawfiiq ayaa ujeeddada ugu muhiimsan ee loo qabtey aheyd dib u sixida xeer dhaqameedka beesha oo la xidhiidha dhinaca magta, mawlaxada iwm.
Qaban qaabadda iyo qabsoomidda shirweynaha Tawfiiq waxaa iska lahaa aqoonyahanadda beesha ee gudaha dalka ku nool oo kaashanaya qurbo joogta beesha ee dalka dibadiisa ku nool halka gudoonka, garanka, gorfeynta iyo gadh-wadeenimadda shirkana ay iska lahaayeen labo iyo afartan gande oo si dheeli tiran looga soo xuley todobadda haamood ee ay ka kooban yihiin beelaha reer Maxamed.
Shirkan oo qoddobada ka soo bixi doona aad loogu dhag taagayey ayaa ugu dambeyntii waxa la isla gartey oo qalinka beesha lagu xariiqey saddex qodob oo muhiim ah kuwaasi oo kala ahaa
1- Baahida loo qabo hoggaan guud oo ay beeshu yeellato.
2- Xoojinta iyo adkeynta midnimada dhexe ee beesha reer Maxamed.
3- Iyo fidinta gogol tolnimo oo lagu turxaan bixinayo khilaafkii ku sahabsanaa dhinaca dhaqanka ee mudooyinkii u dambeeyey dul hoganayey beelaha Samaroon ee walaalaha ah.
Haddii aynu ka hadalno qoddobadan saddexda ah waxaan odhan karnaa labo qodob wey fuleen qodobna fulintiisu wali wey fadhidaa, labada qodob ee fuley waxa weeyi qodobka koowaad iyo ka labaad oo beeshu waxey suldaan guud u dooratey Suldaan Sheekh Ibraahim Cabdi Riiraash kaas oo ay ku soo xusheen diin, da, dadnimo, daacad, dabeecad, dood iyo deeqsinimo halka qodobka labaad ee tilmaamaya xoojinta iyo adkeynta midinimada dhexe ee beelaha reer Maxamed fulintiisu ay cadeyn buuxda u aheyd sidda ay beeshu uga soo wadda qeyb gashey isla markaana ay u soo qaban qaabiyeen munaasibadii caleemo saarka suldaanka guud ee beeshooda
Beesha reer Maxamed waxaa loo tiriyaa xadaaradda iyo ilbaxnimadda beelaha Samaroon waxaana ka dhashey halyeeyo fara badan oo uu ka mid yahay geesigii Gadabuursi ee Geele Jidgoo waxaa kale oo ka dhashey Xaaji Kheyre oo hormuud u ahaa waxgaradkii Samaroon ee talladda iyo tashiga Gadabuursi wax laga weydiin jirey wakhtigii gumeysiga, waana hubaal in ay deggaan ahaan daadsan yihiin ubucda gobolka Awdal feker ahaana waxey aniga iyo inta illa fiiradda ah la tahay malaha taas dambe in ay keentey in beesha reer Maxamed wakhti xaadirkan maanta lagu jiro qawlkooda oo mideysan ku tiraabo waxaan dhex ka nahay amuuraha ciladeysan ee dhex ceeggaaga dhaqankii xariirta ahaa ee beelaha Samaroon.
Hase yeeshee marka aan u soo laabano munaasibadii lagu caleemo saarayey Suldaan Sh.Ibraahim waxaa dhab ah in ay taageeradiisa u wadda dhanaayeen dhammaanba beelaha Samaroon oo dhan, masuuliyiintii madasha ka hadashey ee faraha badnaa oo magaca iyo mansabka ay huwanaayeen uu kala duwanaana dhamaantood waxey qeexeen oo ay sidda cadceeda u cadeeyeen in ay gacmo furan ku soo dhaweynayaan suldaanka cusub.
Sidoo kale dadweynaha ku nool dalka dibadiisa ee munaasibada caleemo saarka ka daawanayey telefishanada afka soomaaliga ku hadla waxa dareenkooda soo jiitey hadaladii ay munaasibada ka jeediyeen dhawr masuul oo uu ka mid yahay Suldaanka guud ee beelaha Habar Cafaan Suldaan Dhawal oo yidhi “Maanta laga billaabo tallada beesha reer Maxamed waxaan si toosa ugala xidhiidheynaa Suldaan Sh.Ibraahim Cabdi Riiraash” sidoo kale waxa aad loo soo dhaweeyey hadalkii Suldaanka guud ee beelaha Makaahiil Suldaan Saleebaan ee ahaa “Faraska la kooreeyaa la mid maaha ka jara-ka-fuulka ah maadaama aad faraskiinan soo kooreyseen waa tallo iyana oo waan idiinku mahad naqeynaa” waxaa kale oo si ballaadhan loogu bogey dadkuna u wadda riyaaqeen dardaarankii Xaaji Ibraahim Magan Nuur ee odhanayey “Siddii raga kale ma odhanayo wax walba dulqaado waar wax iska celi, raganimadaadu ha muuqato, raganimadaada oo muuqataan ku barayaa” wuxuuna intaas daba dhigey ”ragii kaa horeeyey ee Maxamed Muusuhu dhaleen ee salaadiinta noqdey Sheekh Faarax Xabiib AUN ayaa ka mid ah, karbaashkiisii oo kale qaado” dad badan ayaa farxey kadib markii ay maqleen kalmadahaasi ka soo baxayey afka Xaaji Ibraahim Magan Nuur taas oo fasiraada farxadoodu daliishaneyso odhaah murtiyeedka tidhaahda “Nimaan hadal habartii qadisey” oo sabankan aan ku jirno la sadar joogta “Nin ay weedhiisu jilicsan tahay wakhtigu qadi”.
Munaasibadaas caleemo saarka suldaanka cusub oo ay beeshu si qurux badan u soo agaasintey isla markaana uu xidhiidhinayey aqoonyahanka weyn ee culuumta maadiga iyo diinigaba Daa’in isku darey Dr. Axmed Aadan Axmed (Buuxane) waxa ay beesha reer Maxamed ku shaaciyeen qodobka saddexaad ee ka soo baxey shirkii Tawfiiq kaas oo dhigaya fidinta gogasha beelaha Gadabuursi wallow qaar ka mid ah salaadiintii goobta fadhidey ay ka gaws adeygeen qorshaha fidinta gogasha oo ay yidhaahdeen ma jiro wax khilaaf ah oo ka dhexeeya beelaha Samaroon hadana waxaa hubaal ah in maanta beesha reer Maxamed garaadkoodu garawshiyo wanaagsan u leeyahay in aaney jirin wax dhibaato ah oo dhex taalla tolweynaha walaalaha ah ee Samaroon hadana baaqa fidinta gogashan ay bayaamiyeen waxa uu salka ku hayaa kaliya in la xoojiyo tallada, tayadda iyo tamarta beelaha Gadabuursi sidoo kalena la mideeyo cudduda, caqliga iyo codka beelaha Samaroon.
Dad badan ayaa maanta isweydiinaya su’aasha ah tallow goorma ayey fidinta gogashani hirgeli doontaa? waa mida koowaade sidda uu dhigayo dhaqanka Gadabuursi marka suldaan cusub la caleemo saaro afartan cisho aqalka kama baxo ardaaga reerkana kama ag-wareego sidaas darteed maadaama uu Suldaan Sheekh Ibraahim Cabdi Riiraash gudoomin doono
Senior Camuudnews Editor
Camuudnews@gmail.com

hambalyo hambalyo ayaan leeehay hadaan ka hadlo dareenkayga waxaan aad iyo aad ugu farax sanahay in maanta la doorto suldaan cusub waaayo salaadiindu waxay door muhiim ah ka ciyaaraan doorka nabada dalkooda dadkooda iyo diintoodaba waxa kale oo odhan lahaa ILLAAHAY ha walaaleeyo umada soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool gobolada awdal, salal iyo gabiley oo wax wada qabsiga iyo wanaajinta goboladooda ha tuso ayaan odhan lahaaa