London(Subulahanews)-Orad yahanka caanka ah Mo Farah ayaa caawa wuxuu ka qayb galay barnaamij la yidhaahdo “The Cube” oo maalin kasta oo Axada si toosa looga soo daayo telefishanka caanka ah ee la yidhaahdo ITV.
Barnaamijkan oo ahaa barnaaamij aad u xiiso badan ayna fagaaraha lagu daawanayo ay fadhiyeen kumanaan kun oo qof marka laga reebo dadwaynaha ka daawanayay telefishanka oo gaadhaya malaayiin.Hadaba Mo Farah ayaa noqday ninkii u horeeyay ee caalamka ku guulaysta ciyaarta kama danbaynta ah ee “last game”
Ciyaartani waxay ku salaysan gaymam kala duwan kuwaas oo lagugu imtixaamayo haddii aad badasana aad helayso lacag labanlaab ah. Waxaad leedahay ilaa sagaal jaanis oo haddiii aad ku dhacdo aad ku noqayso inta ay kaa dhamaanayaan sagaalkaas jaanis. Waxa kale oo aad helaysaa markaad halciyaar aad badiso ciyaar ka duwan tii kale iyado oo lacagta aad helaysaa ay markasto laguu libin laabayo. Ciyaarahan ayaa dhan sideed ciyaarood oo kala duwan isla mar ahaantaana lacagta u badan ee aad helaysaa ay tahay £250.000 pound.
Hadaba Mo Farah ayaa sheegay inuu lacagtan ugu talo galay inuu ku maalgaliyo hayad uu leeyahay oo la yidhaahdo Mo Farah Foundation kana hawlgasha dalka Somaliya caawisana dadka dhibaataysan ee ku nool dalka Soomaaliya.
Hadaba Mo Farah ayaa hada daqiiqado ka hor ka qaybgalay barnaamujkaa wuxuuna u soo hooyay hayadiisa lacag dhan £250.000 Laba boqol iyo Kontonkun oo pound una dhiganta lacag ku dhaw 400.000 oo dollar.
Mo Farah ayaa noqonaya ninkii u horeeyay ee cadaan iyo madaw ku guulaystay ciyaartan la yidhaahdo “The Cube”
wuxuu hayadiisa Mo Foundation oo ka hawlgasha dalka Soomaaliya caawa u soo xereeyay lacag gaadhaysa $400.000 oo dollar.
Subulahanews.
