Waxaan marka hore salaamyaa dhamaan saxaafada qaybaheeda kala duwan iyo akhristayaasha sharafta leh.sidoo kale waxaan halkan ka salaamaya dhamaan umada soomaliyeed meel walba oo ay joogaan gudde iyo qurbaba, waxana jecelahay oo aan  maanta qalinka u qaatay in aan is yara xasuusino muhiimada ay leedahay inaan isu taageerno wanaaga iyo horumarka iyadoo loo marayo in gacan la siiyo  kolba cidii loo arko inay mudan tahay inla taageero si loo gaadho himilooyinka ay umadu leedahay ee mustaqbalka dhow iyo kan dheerba, waxaan lawada soconaa in maalmahan u danbeeyey ay ka jiraan Magaalda madaxda Muqdisho diyaar garow loogu jiro sidii loo soo xuli lahaa baarlamaan cusub oo soo dooran doona Madaxwayne cusub oo dalka hogaamiya 5 sano ee soo socota taasoo lagaga gudbi doona kumeel gaadhka iyadoo loo gudbi doono Dawladnimo taam ah insha alah,

Dalkeena Soomaliya waxa u soo maray wakhtiyo kala duwan oo ay ka kala talinayeen dadyow sita magacaan kala duwan ayna ka mid tahay Qabqable, Wadaad, Shabaab iyo Kumeel gaadh, waxa hada la soo gaadhay xiligii loo gudbi lahaa Dawladnimo taam ah oo ay umada soomaliyeed in badan sugayeen oo baahi wayn u haysay waxan marxalada noocaa ah dadka iyo dalkaba ka saari kara qof leh kartideedii Daacadnimadeedii, Aqoonteedii,  waayo aragnimadeedii, Deeqsinimadeedii iyo dabcan aftahanimadedii, Xisbiga Hiil Qaran waxa weeye xisbi ay aasaaseen aqooyanahno iyo khubaro kukala baahsan dunida dacaladeeda kuwaasoo ka damqaday dhibaatada mudada dheer haystaya dalkeena una guntaday sidii ay uga badbaadin lahaayeen dhibtaa una gaadhsiin lahaayeen Nadab iyo barwaaqo taam ah, Inakoo ka duulano ama tixraacana soo jeedintii Xisbigaa HIIL QARAN ayaa waxa ay maalin dhawyd ku dhawaaqeen in uu u tartami doono oo uu matali doono xisbigooda Prof Ahmed Ismail Samater oo ah aqooyanahn caan ka ah dhamaan dhulka afka soomaliga looga hadlo kaasoo ay dadku ku yaqaanaan sida hada iyo jeer uu uga hadlo dhibta ka jirta Wadankeenee Soomaliya kaasoo aan marna runta ka gaban isagoo mar kasta ka hadla sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada ka taagan dalkeena, Prof Samater waa aqoonyahay alle hibo u siiyey Aftahanimo, Karti, Daacadnimo iyo Hogaamin qoto dheer kaasoo khibrad leh u leh Maamulka & Maaraynta, Siyaasada  iyo dhaqaalaha ,waana mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu aqoonta badan soomalida hadaanuu ahayn kan Koowaad, prof Samater taariikhsiisoo koona halkan guji si aad u wax uga ogaato http://wadhaf.com/archives/10095.

 

 

Prof Samater sida uu afkiisa ka sheegay waxa uu balanqaaday inuu dalkiisa ugu shaqayn doona $1 taasoo inoo cadaynasa inay ka dhab tahay xal u helida daba dheeraatay ee dalkeena, waxa umada somaliyeed la gudboon yar iyo wayn mid gudde jooga iyo mid qurbo joogaba inay hiil iyo hoo la garab is taagaan halyeygaa u soo baxay ee prof Samater oo u taagan inuu dalkiisa ka saaro dhibta mudada badan ragaadisaya ayna u muujiyaan inay garabkiisa taganyihiin, waxa laga maarmaan in manta fursdaa umadu haysto ee ay wax kaga badali karaan hogaanka wadankooga ay ka faaiidaystaan oo aan dhamaanteenba taageerno Prof Ahmed I Samater siduu uu ugu guulasyan lahaa loolanka uu ugu jiro siduu u noqon lahaa Madaxwaynaha Jamhuuriyada Soomaliya kuna garab galno himiladiisa ah in la helo soomaliyoo nabad iyo barwaaqo ah, waxa hubaal ah in riyada ay soomali in badan sugaysay ay manta daaqada ka soo gashay iyadoo ay hormuud ka yihiin xisbiga kulmiyey aqoonyahanadii ugu waawaynaa dalkeena ee HIIL QARAN, markaa bulshooy balanteenu waa inaynu hiil iyo hooba la garab galno Halyeyga wayne ee Prof Ahmed I Samater,

Guul iyo Gobonimo.

Viva Great Somalia.

 

Alla Mahad Leh,

Mustafa Nur Hussein,

jamacshara1@hotmail.com

Sweden.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook