Addis Ababa(Subulahanews)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif ayaa ka qeybgalaya shirka maadaxda Midowga Africa oo maanta ka furmaya magaalada Adis’ababa ee caasimadda Ethiopia.
Shirkan oo ah kulan madaxeedkii sanadlaha ahaa ee madaxda waddamada Africa ayaa Soomaaliya waxaa uga qeybgalaya wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sh. Axmed.
Danjiraha Soamlia u fadhiya Adis’ababa Saciid Yuusuf Nuur ayaa Radio Muqdissho u sheegay in shirkaasi uu socondoono muddo Laba maalmood ah, waxaana looga hadli doonaa arimo kala duwan oo ku saabsan qaddiyadda Africa gaar ahaan arimaha Soomaaliiya.
