Hargysa(Subulaha news)Wasiirkii hore ee arimaha gudaha Somaliland iminkana ah Gudoomiyaha urur siyaasadeedka DALSAN Ismaaciil Aden Cismaan(Ismaaciil Yare) ayaa si ba’an u weeraray,eedo kululna u soo jeediyey Gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Cirro ,Gudoomiyaha xisbul-xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Gudoomiyaha komishinka doorashooyinka qaranka Ciise Xamari iyo Komishankaba.
Ismaaciil Yare oo u waramaayey warbaahinta maxalliga ayaa ugu horeyn xusay in Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi sidiisaba dhaqan iyo caado ka dhigtay ilaa Qaaxo jidgooyooyin ama isbaaro uu madaxda u dhigto,bajin iyo cagajuglayn uu sameeyo iyo maruu odayaal dhaqdhaqaajiyo oo yidhaahdo warbaahinta taga oo sidaa iyo sidaas u hadla ama fariin u dhiibo. Wuxuu gudoomiye Ismaaciil Yare intaas raaciyey inay ayaandaro tahay in ninka caynkaas ahi la gole yimaado waxaan rabaa inaan noqdo madaxweyne qaran oo Somaliland hogaamiyo.
Sidoo kale wuxuu Ismaaciil Yare ku eedeeyay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi in isaga (Ismacil Yare ) iyo saaxiibadii oo xaflad ku fooladaynaya Hotel maansoor uu Muuse u soo diray ama u adeegsaday guuto dhalinyara oo weerartay,dhalinyaradii wax weerartayna qaarkoodna hadda dhacdooyin kale xabsiyada dalka ugu xidhan yihiin.
Wuxuu kaloo Ismaacil Yare daaha ka feyday in markii Muuse Biixi ahaa wasiirka daakhiliga Somaliland wixii uu sameyn jiray iyo wuxuu ku hadli jirayba la ogaa oo la wada hayo, wuxuuna intaa raaciyey “Wuxuu Muuse Biixi khabiir ku yahay sida wax loo kharibo ee loo burburiyo anaguna waxaanu naqaanaa sida wax loo dhiso ee ummad loo horumariyo”,Ismaaciil yare wuxuu intaas ka soo daba tuuray inaanu Muuse cidna waxba kaga qaadeyn talaabooyinkaas guracan ee uu caadeystay.
Tu kale Ismaaciil Yare wuxuu ku eedeeyay Gudoomiyaha Komishinka Qaranka iyo gudigiisaba in cida ay doorashada u qabanayaan oo ah lixda urur iyo sadexda xisbi qaran aanay la tashan ama talada dooroshooyinka ka qeyb gelin ee go’aankay jecladaan iska qaataan,waxaanu intaas ku daray in komishanka doorashada la moodo inay cido kale u shaqeynayaan.
Ismail Yare wuxuu carabaabay inuu si toosa u weydiiyey gudoomiyaha komishinka doorashooyinka Ciise Xamari in go’aanka nambarada ee musharaxiinta summada uga dhigayaan inay keligood go’aansadeen iyo inay ururada kale ka talogeliyeen wuxuuna sheegay in Ciise ugu jawaabey inay qorshahan dejiyeen intaan ururadooda la sameyn oo ay ka go’an tahay inay sidaas ku fuliyaan. Wuxuu ismaaciil tilmaamay in go’aankaas ay Komishinku gaadheen iyadaan ururoba la furin uu khalad iyo gef ahaa,wuxuu kaloo yidhi “Waxaa kaloo khalad ah inay iska dalbadaan lacagtii doorashada degaanka ku baxaysay iyagaan wax xoga ama macluumada ka haysan ururada soo bixi doona wixii ka yimaada ee khaladana gudiga doorashadaa leh ayuu raaciyey”.Ismaaciil yare wuxuu kaloo cadeeyay in gudiga doorashooyinka qaranku talaabo kasta oo ay ku dhaqaqayaan aaney kala tashan ururada iyo ciday khusayso ee iskood go’aan u gaadhaan halkaasna dhaliilo iyoo tuhuno ka soo baxaan.
waxaa kaloo iyana xusid mudan in Ismaaciil yare aad u saluugay,dhaliilayna qodob aaney komishinka doorashooyinak qaranku kala tashan ururada/xisbiyada oo tibaaxaaya in urur/xisbi kastaaba xaq u leeyahay inuu ololeeyo (3) sadex cisho oo keliya halka doorashooyinkii hore xisbi kastaaba lahaa 10 cisho,wuxuuna Ismaaciil sheegay inaanay taasi macquul u eekayn kuna qanacsayn.
Dhinaca kale Ismaaciil Yare wuxuu duray,eedo kululna u soo jeediyey Gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Cirro oo uu sheegay inaanu sharcigu dalku xaq u siinayn isago ah Gudoomiyaha golaha wakiiladana haddana inuu noqdo Gudoomiyaha urur siyaasadeedka WADANI, wuxuuna sheegay inuu arintaas uga fadhiyo xukumada Siilaanyo maadaba tahay inay iyadu sharciga ilaaliso ,sidoo kale wuxuu Ismaaciil yare sheegay in aqlabiyada ama majooratiga xildhibanada golaha wakiiladu ka mid noqdeen ururka Siyaasadeedka WADANI oo golihii wakiiladuba u digo rogtay gole WADANI oo aan dan qaran meesha ka socon ee dan WADANI ka socoto.
Source
Qarannews
