Hargeysa(Subulahanews)-Xukuumadda Somaliland oo ay ku dhaceen dhirbaaxooyin Dulamaasiyadeed oo culays ku saaray sii daynta Boqor Buurmadow ayaa xalay saq-dii Dhexe garawsatay inay sii dayso Boqorka, waxaanu saaka ku sugan yahay gurigiisa Hargeysa.
Boqor Cismaan Aw Maxamud Buurmadow oo aan helin Fursad uu dadka kula hadlo ayaa BBC-da mahadnaq uga mariyay dadkii ka qayb qaatay soo dayntiisa, wax war ah oo kale ma uu bixin Boqorku.
Boqor Buurmadow oo warbaahinta si toos ah ula soo xidhiidhay markii xabsiga laga soo daayay ayaa u sheegay inay xaaladiisa Caafimaad fiican tahay, isagoo si gaar ah ugu hambalyeeyay dedaalka ay Saxaafaddu ka gashay soo dayntiisa.
Boqor Cismaan oo Xukuumadda Somaliland u xidhnaa muddo afar bilood ah ayay Maxkamadda Gobolka Hargeysa ku weyday Eedihii ay Xukuumaddu u haysatay, waxaanay taasi keentay in Baaqyo Caalami ah ay ka soo saaraan Hay’adaha Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanku, gaar ahaana Amnesty International oo daabacday Warbixin dheer oo xukuumadda ku Eedaysay inay boqorka iyo Xorriyatal qawlkaba ku gaftay.
Sidoo kale Culaysyo Dublamaasiyadeed ayaa meelo kala duwan oo Dawladdaha Caalamka ah ka soo food saaray, kuwaasoo ku duduucay wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland inay Xukuumadoodu faraha ka qaado Boqor Cismaaan oo ay sheegeen in loo haysto fikirkiisa shakhsiga ah ee uu cabiray.
Si kasta ha ahaatee Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiga talada haya oo wakhtigii ay mucaaradka ahaayeen ku dhaliili jiray Xukuumadihii ka horeeyay ayaa u xuub-siibtay cabudhinta xorriyatul qawlka, waxaanay si isdaba joog ah xabsiyada u dhigaan cid kasta oo dhaliisha maamulkooda.
Subulahanews.
