Hargeysa(Subulahanews)-Abaanduulihii Ciidamadda Qaranka Somaliland C/laahi X Jaamac (Calas), ayay wararka aanu helaynaa sheegayaan inuu Icasilay.

Ilaa hada ma cada in laga aqbalay istiqaaladda, hase yeeshee Ilo wareedyo muhiim ah xaqiijiyay Taliye Calas in uu maanta Madaxtooyadda u gudbiyay qoraalkiisa uu ku dalbanayo Iscasilaada.

Lama garanayo sababta rasmig ah ee ku kaliftay Abaanduulaha arrintan, hase yeeshee waxay ku soo hagaagaysaa khilaaf Maamul oo ka aloosan Gobolka Sool ee uu ka soo jeedo oo ay xukuumaddu cabashooyin laga soo jeedinayo waxba ka qaban la’ dahay.

Saraakiil ka tirsan Ciidamadda Qaranka oo aanu arrintan wax ka weydiinay ayaa iyana noo xaqiijiyay in Abaanduulle Calas iscasilay, hase yeeshee waxay ka gaabsadeen inay faahfaahin ka bixiyaan in laga aqbalay iyo inkale.

Maayarkii Laascaanood ayaa sidan oo kale shalay isku casilay kadib markii uu Badhasaabka Gobolka Sool xabsiga u taxaabay isaga iyo ku-xigeenkiisa.

Maayar ku-xigeenka Laascaanood oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in uu ka war sugayo wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraalle Duur in uu talaabo ka qaado khilaafka ka taagan gobolka, hase yeeshee mar warbaahintu isku dayday wasiirka inay wax ka weydiiso cabashada Maayarka iyo Ku-xigeenka waxa uu iskaga riixaydhinaca Badhasaabka ay masuuliyiinta kaleba ka cabanayso.

Waxa isa soo taraya dhibaatooyin isdaba jog ah oo Laascaanood iyo Burcaba ka taagan, kuwaasoo ah khilaafaad dhinaca Maamulka ah oo loo baahan yahay xukuumaddu inay si dhakhso ahw ax uga qabato

Subulahanews.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook