Hargeysa (Subulahanews)–Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka Umadda Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa sheegay in xalka nabadeed ee dalka Somaliya loo baadi goobayo furihiisu yaalo Somaliland.

Dr Maxamed Cabdi Gaboose, waxa uu sheegay in nabadgalyada ka jirta Somaliland ay tusaale u tahay dalalka Afrika ee colaaduhu ka jiraan, kuwaasi oo Somaliya ugu horeyso, isaga oo sheegay in xalka nabadeed ee beesha caalamku u raadinayso Somaliya furaheedu yaalo Somaliland.

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Umadd Dr Gaboose oo shalay la hadlay laanta afka Somaliga ee Idaacada VOA, ayaa sheegay in nabadgalyada iyo dimuqraadiyada ka jirta Somaliland ay ku timid isku tanaasul iyo wax wada qabsasho bulshada reer Somaliland ah, isaga oo xusay in bulshada caalamku mucjiso ku tilmaanto nabadgalyada iyo guulaha Somaliland ka gaadhay dimuqraadiyada iyo horumarka “Anagu waxaanu kaga baxnay ilaa haddana aanu wadnaa horumarka oo isha caalamkuna ay hadda aad iyo aad noogu soo jeedsatay oo mucjiso ku tilmaamaan waxyaabaha ka dhacaya Somaliland”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daraya “ILAAHAY oo nala doonay ka sakow waxa weeye xukuumad kasta oo dhalata iyo shacbiga Somaliland ayaa waxa ka wada go’an inay gooni isku taagooda ilaashadaan oo ay himilo iyo wada jir yeeshaan oo ay hkilaafaadkooda u maraan jidka nabada iyo wada hadal, oo isku tanaasulku uu yahay kii qoriga ka horeyn lahaa”

Dr Maxamed Cabdi Gaboose, waxa uu sheegay in xalka nabadeed ee Somaliya looga raadinayo dalalka shisheeye furihiisu yahay Somaliland oo la ictiraafo, taasi oo uu tilmaamay inay suurto-galin karto inay isfahmaan dadka Somaliyeed ee dhibaatadu hadda haysato “Waxaanan qabbaa xataa xalka Xamar laga raadinayo inuu Hargeysa yaalo, in ictiraafka Somaliland noqon karo furaha Somalida inteeda kalena isfahamsiiya oo bara khibrada iyo waayo-aragnimada, halkii dad qalaad iyo gobolo kale xalka laga raadin lahaa”ayuu yidhi.

Subulahanews.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook