Hargaysa(Subulahanews)Garabka Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB Daahir Rayaale Kaahin ayaa shaaciyey inay qabanayaan shirkii golaha dhexe ee xisbigaasi oo laba garab u kala fadhiya.
Garabka Daahir Rayaale Kaahin, oo caawa soo saaray war-qoraal ah oo ay ku sheegeen inay qabanqaabinayaan shirkii golaha dhexe ku sheegay in shirka golaha dhexe ee xisbigaasi la qaban doono 25-ka bisha August ee sanadkan.
War-saxaafadeed kooban oo uu ku saxeexan yahay Cabdixaliim Maxamed Muuse oo ah ku simaha xoghayaha guud ee xisbiga UDUB, ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha xisbigaasi Daahir Rayaale Kaahin go’aamiyey in shirka golaha dhexe ee xisbigaasi qabsoomi doono 25-ka August.
War-saxaafadeedkaasi oo aan lagu soo qaadin khilaafka labada garab u qaybiyey xisbiga ayaa isaga oo dhamaystiran u dhignaa sidan “Anigoo tixraacaya soo jeedinta guddiga fulinta ee xisbiga UDUB (Taar.20 june 2012) iyo go’aaminta Guddoomiyaha xisbiga (Ref: JSL /G.UDUB/F-1-21-/07/12, Taar: 17 July 2012.
Anigoo raacaya xeerka guud ee xisbiga UDUB Qod. 16.4 xarafka J & X, waxaan anigoo ka wakiil ah guddida fulinta iyo golaha dhexe ku dhawaaqayaa kuna war-galinayaa xubnaha golaha dhexe ee bahweynta ee xisbiga UDUB in la qaban doono shirkii golaha dhexe, kaas oo lagu qaban doono Magaaladda Hargeysa ee caasimada Jamhuuriyadda Somaliland 25 August 2012.
Sidaa daraadeed shirkaasi oo muhiim u ah dhismaha iyo dardar galinta xisbiga UDUB oo in muddo ah ku jiray khilaaf xisbiga dhexdiisa ah, waxaan ku adkaynaynaa dhammaan xubnaha golaha dhexe ee xisbiga meel kasta oo ay joogaan inay isu-diyaariyaan shirka mudada loo cayimay.
Waxaan ogeysiinaynaa xubnaha golaha dhexe ee aan qaadan kaadhkii G/dhexe inay mudadaa ka hor la soo xidhiidhaan xarunta xisbiga UDUB”
Source Ramaas
