Muqdisho(Subulahanews)Kulan ay yeesheen  Waaxda Pentagonka Mareykanka ayaa laga soo saaray go,aan lagu taageerayo ciidamada Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya AMISOM.
Waaxda Pentagonka Mareykanka ayaa  go’aan ku gaartay  in 8 kamid ah Diyaaradaha yar yar ee aan Duuliuya laheyn lagu wareejiyo Ciidamada AMISOM  gaar ahaana kuwa  Kenya ee kusugan gudaha Soomaalia si ay usii wadaan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.
Pentagonka ayaa sheegay  in Lacag gaareeysa $41.4 Million ay Dowladda Mareykanka siineyso Kenya si loogu qalabeeyo Ciidamada Dowladda Kenya oo qeyb ka ah ciidamada AMISO , Mareekanka  ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in taakuleeynta  ay fududeyn doonto in la beegsado Saldhigyada iyo Madaxda Al-Shabaab.
Waaxda Pentagonka ayaa   balanqaaday  waqti dhow in qalab Milatari oo farabadan iyo Diyaaradaha aan Duuliyaha laheyn ay siin doonto Ciidamada ka socda wadamada Uganda ,Burundi iyo Jabuuti oo kamid ah ciidmada nadabad ilaalinta ee AMISOM.
kenya oo dagaakl adag kula jirta Al-Shabaab goballada Koofuree ee Soomaaliya ayaa dagaalkeeda  Milatari ee u  adeegsaneysay  Diyaaradaha dagaalka ayaa u taag weeysan ka saarida AlShabaab gobalada Koofureed , diyaaradahaan uu Mareekanka ugu deeqay Kenya ayaa la ogeen waxa ay ka badali doonta istaraajiyada dagaalka Kenya ee ka dhanka ah Al-Shabaab.
ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook