Hargaysa(Subulahanews)Ururka Suxufiyiinta iyo qorayaasha madaxabanaan ee Somaliland SSJW ayaa cambaareeyay faragalinta qaawan ee ay isku bahaysteen wasiirka warfaafinta Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) iyo maamulka Jaamacada Hargeysa ee ay ku doonayaan in xeer ciqaabeed cusub oo lagu cabudhinayo Saxaafada madaxabanaan lagu badalo xeerkii hore ee dhaqan galka ahaa ee xeer Lr. 27/2004-tii la dhaqan galiyay, isla markaana golayaasha Baarlamaanku qalinka ku duugeen. Waxa kale oo ururka SSJW uu cambaareeyay talaabo kasta oo lidi ku ah madaxbanaanida Distooriga ah ee Saxaafada iyo nidaam kasta oo lagu waxyeelaynayo Suxufiyiinta ka hawlgala Warbaahinta kala duwan ee Somaliland, oo iskugu jirta xadhig iyo xayiraad ku wajahan hawlgalkooda shaqo ee mihnada Saxaafada.

Sidaana waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed uu shalay soo saaray Afhayeenka ururkaasi Maxamed Ibraahin (Sagax), kaas oo dhamaystirana waxa uu u qornaa sidan:

Waxa Distoor jabin ah in cid ka baxsan labada gole ee Baarlamaanku ay faragalin ku samayso xilka xeer dajinta, taas oo qodobka 38aad ee Distoorka qaranku mabnuucayo in xilka xeer dajinta ay la wareegto cid aan ahayn hay’adaha sharci dajinta, taas oo xadgudub Distoor ka dhigaysa.

Talaabadan wasiirka warfaafinta iyo wacyigalinta Boobe Yuusuf Ducaale iyo maamulka Jaamacada Hargeysi ay isku bahaysteen in dibin-daabyo iyo shirqool ay u maleegaan xeerka dhaqan galka ah ee Saxaafada ee xeer Lr 27/2004 iyo madaxbanaanida Distooriga ah ee Saxaafada madaxbanaan, kuwaas oo dhaliilo iyo daldaloolooyin ku sheegaya in xeerkaasi xambaarsan, isla markaa loo baahan yahay in wax ka badal lagu sameeyo, ciqaab iyo qodobo ka hor imanaya madaxbanaanida Saxaafadana loo sameeyo xeer cusub oo lagu cabudhinayo Saxaafada, taasi oo ah Distoor jabin iyo xadgudub lagu sameeyay waajibaadkii iyo xilkii golayaasha sharci dajinta.

Sidaa darteed waxa uu cod sare ururka Suxufiyiinta iyo Qorayaasha Somaliland SSJW ku cambaaraynayaa faragalinta qaawan ee wasiirka warfaafinta iyo maamulka Jaamacada Hargeysa ay ku doonayaan inay ku shirqoolaan xeerka anshaxa saxaafada ee dhaqangalka ah.

Waxa uu ururka SSJW ugu baaqayaa golayaasha sharci dajinta Somaliland inay talaabo ka qaadaan shakhsiyaadka isku soo bahaystay xadgudbka iyo tabcaynta xeerarka iyo shuruucda dalka ay u dajiyeen ee dhaqangalka ah, ee lagu doonayo in lagu burburiyo sharciga Saxaafada iyo xorriyatul qawlka, kaas oo ah lama taabtaan aanu ogolaan doonin ururka SSJW talaabo kasta oo lidi ku ah xeerka Saxaafada iyo waajibaadka qaran ee Saxaafadu u hayso dalka Somaliland.

Waxa kale oo ururka SSJW Cambaaraynayaa nidaam kasta oo lagu xakamaynayo xoriyatul qawlka iyo madaxbanaanida Saxaafada iyo talaabo kasta oo xadgudub loogu gaysanayo suxufiyiinta ka hawlgala saxaafada Somaliland.

source haatuf

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook