ciyaar aad uu xamaasad kulul ayaa maanta galabtii dhex maray labada kooxood ee kala ah Carwo Kooshin VS Amoud express.
ciyaar oo ku bilaabantay warar iyo werer celin ayaa waxa goolkii koowaad shabaga ku ruxay guuleed yare oo uu ciyaarayey Carwo Kooshin,goolkan ayaa wax badan ka badalay ciyaarta sa ahaate ayaa kooxda Carwo kooshin uu suurto gashay in ay gool labaad ay keensadaan isaga oo mar labaad ka farxiyey kooxdiisa ayaa gool quruxdan mar labaad dhaliyey guuleed yare.
si kastaba ahaate ciyaar ayaa ku soo afjarantay 2:0 ay guushu ku raacday kooxda Carwo kooshin.
Wariye Maxamed Hassan Ismail (Sharbi Yare)
Subulahanews.com
Borama, Somaliland


