Laascaanood(Subulahanews)Maleeshiyaadka reer Buuhoodle ee Taabacsan kooxda Khaatumo ayaa abaabul dagaal ka bilaabay Magaaladda Buuhoodle iyo guud ahaan deegaanada ku teedsan.
Maleeshiyadka Khaatumo oo habeen hore saddex aag ka soo wareeray fadhiisimada ciidamada Qaranka ee Sool-joogto iyo Maygaagle, ayaa haddana saaka bilaabay abaabul dagaal, iyagga oo ku andocoonaya in ciidamada Qaranku weeraro ku qaadayaan deegaanada ay isku urursadeen.
Wararka halkaasi laga helayo ayaa sheegaya in Maleeshiyaad door ahi ay iska soo bahaysteen gudaha Magaaladda Buuhoodle, isla-markaana ay kaabiga ku hayaan fadhiisimada ciidamada Qaranka ee jiida Sool-joogto, una diyaar-garoobeen inay weerar ku qaadaan ciidamada Qaranka.
Magaaladda Buuhoodle ayaa ilaa maanta galinkii hore laga dareemayey sansaan colaadeed oo aad u kacsan, iyadda oo gaadiidka dagaalka ee Maleeshiyaadka la arkayey iyagga oo kaalmaha shidaalka ka qaadanaya shidaal, una kacaya dhanka deegaanada ay ku sugan yihiin ciidamada Qaranku.
Wararkii ugu dambeeyay ee halkaasi laga helayo ayaa sheegaya inay suurto-gal tahay in wakhti aan fogeyn halkaasi dagaal ka qarxo, sida hor-joogayaasha Maleeshiyaadka Khaatumo qaarkood u sheegeen mareegaha Internetka ee taabacsan Khaatumo.
source Ramaas
