Hargeysa(Subulahanews)-Kooxda Al-shabaab ay doraad meel fagaare ah ku toogatay sadex dhalinyaro ah oo ay ku Eedaysay inay u basaasayeen Sirdoonka Dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska
Sadexda Dhlainyaro ah wax aka mid ahaa Wiil la odhan jiray Alla ha naxariistee Mukhtaar Ibraahim Axmed (Xamaraawi), kaasoo ay Mareegaha Wararku qoreen inuu Reer Hargeysa ahaan jiray.
Hadaba Xogo naga soo gaadhay sheegashada Kooxda Al-shabaab ku khaarajisay ninkaasi ayaa sheegaya macluumaadka ay u food saaraynayaan inuu ahaa Basaas u shaqaynayay Sirdoonka Maraykanka iyo Ingiriiska, isla markaana hawlgalo uu kala shaqeeyay awgood ay Diyaaaradaha iswada ee dalalkaasi ay u dileen xubno muhiim ka ahaa Ururka Al-shabaab, kuwaasoo meelo kala duwan lagu Dillay.
Hadaba Macluumaad aan dhamaystirnayn oo Waaheen ka heshay sababta ay Al-shabaab u khaarajisay Wiilkaasi ayaa sheegaya in dabayaaqadii 2009-kii Mukhtaar Xamaraawi ka mid ahaa Afar dagaalyahan oo Al-shabaab ay u soo dirtay hawlgal laga fulinayay Somaliland, balse la qabtay iyaga oo marakaas soo gaadhay magaaladda Hargeysa.
Xogtani waxay sheegaysaa in markii la qabtay Afrata nin oo sadex ka mid ahi ay ahaayeen Rag u dhashay Koonfurta Somaliya iyo Mukjtaar oo gadhwadeen ka ahaa dedaalo la sameeyay awgeed uu Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Wakhtigaasi oo ahaa C/laahi Cirro sii daayay Marxuumka imika ay Al-shabaab dishay oo iyaga ka mid ahaa.
Lama oga ilaa hada wakhtigaasi sababta ay Xukuumaddii Rayaale u sii daysay Marxuumka ay Al-shabaab imika dishay iyo halka ay ku danbeeyeen toona sadexdii dagaalyahan ee kale ee la socday, laakiin sida ay u food saaraysay kooxda Al-shabaab Dilkooda imika loo aanaynayo inay ka dhalatay sii dayntiisii.
Sii dayn tiisii kadib waxa ay wararku sheegayaan mukhtaar Xamaraawi inuu ka goostay Kooxda Al-shabaab, waxaanu ku sii nagaaday Hargeysa maadaama Xukuumaddii talada wakhtigaas haysay sii daysay, balse kooxda Al-shabaab ilaa wakhtigaas waxay ka qaadatay dareen ah in uu u gacan galay kooxaha Sirdoonka Dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska, isla markaan uu bixiyo xogaha iyo Sirtooda.
Inkasta oo ay isha ku hayeen kooxahaasi dhaqdhaqaaqa Mukhtaar hadana umay suurtogelin inay talaabo ka qaadaan, laakiin si lama filaan ah ayuu Mukhtaar u tagay magaaladda Muqdisho kadib markii laga saaray kooxihii Al-shabaab ee mudada ka talinayay, isagoo la sheegay inuu u tagay si uu qoyskooda ugu soo Iibiyo Dhul banaan iyo Guryo ay ku lahaayeen.
Hase yeeshee taasi waxay kedin iyo is-dhigasho ku keentay mukhtaar Xamaraawi, waxaanay Maalmo ka mid ah toddobaad uu halkaas joogay kooxda Al-shabaab ku haysay dabagal, iyagoo markii danbe Xamar gudaheeda ku af-duubay Mukhtaar iyo Wiil ay Inaabti ahaayeen oo u dhashay Muqdisho, iyagoo wakhtigaasi gaadhi yar wata badhtmaha magaaladda.
Isla markiiba Kooxa Al-shabaab waxay If-ka ka qariyeen Mukhtaar oo ay si weyn u doon doonayeen halka ay iska sii daayeen gaadhigii iyo Inaabtigiiba, waxaanay Eheladiisu dedaal badan u gashay sidii ay uga furdaamin lahaayeen, balse kooxda Al-shabaab marna gor-gortan kamay gelin sii dayntiisa.
Waxaanay iyagoo uga Aargudaya Sadexdii Nin ee la socady ee ay Somaliland qabatay iyo Saraakiishii Diyaaradaha iswadaa ka laayeen goob fagaare ah ku khaarajiyeen isaga iyo laba Marxuum oo kale oo ay Eedo la mid ah kuwiisa u tuhunsanaayeen.
Subulahanews.
