Halkaan ka akhriso waraaqo cadeynaya xiriirkii dhex maray dowladda Norway iyo wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdisamad Maxamuud Xasan ee ku aadan booqashadii ay wafdiga soomaalidu ku yimaadeen Norway dhamaadkii bisha Juun ee sanadkan.

 Booqashadan oo soomaalida sharci la`aanta ku haysa Norway ku abuurtay shaki weyn ayaa waxaa Sida waraaqadaha la isdhaafsaday ku cad xiriirka bilaabay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya kaas oo ku dalbanayay ka qeyb-galka shir waqtigiisu dhamaaday, balse ay dowladda Norway ugu jawaabtay in uu siyaabo kale u imaan karo maadaama shirka uu doonayay la soo dhaafay oo uu dhacay.Waraaqadda jawaabta ee ay dowladda Norway ku celisay wasiirka ayaa lagu sheegay in uu imaan karo Norway oo uu la kulmi karo ninka lagu magacaabo Mr. Pål K. Lønseth oo isagu ah ninka heshiiska dadka qoxootiga dib loogu celinayo dabada ka waday.

Si kastaba wasiirka Soomaaliya ayaa dhowr jeer beeniyay in ay wax heshiis ah oo ku saabsan dib u celin qoxooti la galeen dowladda Norway.

Jariiradda ugu afka dheer Norway ee “VG” ayaa markii ay wadanka ka bexeen wafdiga soomaalida qortay in uu dhex maray dowladaha Norway iyo Soomaaliya heshiis qarsoodi ah oo ku aadan in si khasab ah dib loogu celin karo koonfurta Soomaaliya qoxootiga aan sharciga haysan.

Source Calanka

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook