Hargaysa(Subulahanews)Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdiramxaan Maxamed cabdilaahi (Ciro) ayaa beeniyey in xidhiidh dhaqaale uu dhex maray guddoomiyaha baanka dhexe ee Djibouti Jaamac Xayd, isla markaana ku tilmaamay dacaayado raqiis iyo been abuur ah in dhaqaale uu u soo diray guddoomiyaha baanka Djibouti Mr Xayd.
Guddoomiye Ciro ayaa sidoo kale sheegay in aanu wax xidhiidh gaar ahi ka dhaxayn Madaxda dawladda Djobouti iyo urur siyaasadeedkiisa Wadani, balse sheegay in ururka Wadani uu shacabiga dalkaasi ku leeyahay taageerayaal badan.
Guddoomiye Cabdiramxaan Ciro oo shalay saxaafada ugu xog waramay xafiiskiisa, isla markaana jawaab kaga bixinayey warar la sheegay inay dhex mareen madaxda Djibouti iyo isaga ayaa waxa uu yidhi “Xidhiidh gaar ah oo naga dhexeeya guddoomiyaha Baanka Djibouti ma jiro, saxaafadana waxa ku jira qaar baryahan dambe waxay doonaan iska qorqora, waxay yidhaahdeen guddoomiyaha baanka Djibouti mar hore ayuu Hargeysa socdaal ku yimid oo ay is arkeen, ismanaan arag xidhiidh gaar ah oo naga dhexeeyaana ma jiro anigana Jaamac Xayd lacag uu ii soo dirya ma jirto warkaasina waa dacaayad raqiis ah oo aanay waxba ka jirin”.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Ciro oo la waydiiyey in xidhiidh hooska ka dhexeeyo Madaxda dawlada Djibouti iyo rurksiisa waxa uu yidhi “Dawlada Djbouti Madaxdeeda xidhiidh gaar ah oo naga dhexeeyaa ma jiro, laakiin waxa jira muwaadiniin farabadan oo reer Djibouti ah oo ururka wadani taageeray ayaa jira’.
Source haatuf.
