
Waxaan maanta qalinka u qaatay inaan ka hadlo Arrin soo noq-noqotay , taas oo ah laab-la kac meel aan gaadhsiisneyn, waxaan ka wadaa Maqaalo lagu dhaliilaayo Godoomiyaha Jamacadda Camuud, Pr. Saleeban Ahmed Guuled, waa wax aad iyo aad loola yaabo wiil Aabihii wax ka sheegay, taasi waxay ka dhigan tahay waalid caasi oo kale.
Hadaan ka hadlo Pr. Saleebaan Ahmed Guuled, waa nin Aqoon yahan ah, waa ninka kaliya ee Gobolka iyo Jaamacadaba wax ka dhigay, waa Isha kaliya ee Iftiimisay Gobolka, Jaamacadana Gaadhsiiyey Jamacada Camuudna Gaadhsiiyey Heerka ay maanta taagantahay kana soo saaray Hormuudka Jaamacadaha, Arrdaydana ka dhigay Aqoon yahano Dal iyo Dibadba ka shaqeysa, Waa nin Juhdi badan galiyey sidii uu jaamacada u gaadhsiin lahaa Jamacadaha Aduunka taasina waa ta maanta aan indhaheenu arkayaan ee aan laga indho qarsan Karin, Gudoomiyahana ka daaya xajiinta aad leedihiin ee aad flash-ta la idiinkaga dhigtay, Gudoomiyuhu waa ninka wax kaadhigay adiga oo aan wax ba ahayn ee inderka ka dhigay, ee dadkiina wax ka soo saaray, aqoontana idiin yeelay, waa Godoomiyaha Gobolka Magac badan u soo jiiday Jamacada Magac u yeelay, ee ilaa Koorfurta Arrdaydeedii u imanaayaan, Maamulka Jamacadu hadii uuna wanaagsanayn ama Jaamacadu tayo lahayn dadkaas masaafada ka imanaaya kumay imaadeen, waa Gudoomiyaha kuna barayna Beesha Caalamka.
Hadii aad wax dhaliilaaysid sideeda wax loo dhaliila, Waxaad Moodaa in dad badani ay la qabsadeen sheegida Beenta, Waxaad Moodaa in beentu ay noqotay mid ah arimaha sida sahlan loogu baxsado,
lakiin been iyo Buun buunin wax laguma dhaliilo, Madaxda Jamacadana wax ma yeelayso dhaliishaa aan wax ku ool ka lahayni, waxaan odhan lahaa walaalayaal dhalintiinii sida fiican u soo kacaysay ayeyna maskax kale idiin ku dulshaqeysan oo aydan noqon dad la dhex maro,
Waxaad noqoteen wax loo yeedhshe siiyeedhiyaha Yoolka tuban maanta, waxaan ka wada hadii Maqaal ninkale soo qoray oo isagu ku soodhici waayey in uu magaciisa ku soo qoro adiga maxaad siiyeedhiye kaadhigay?, ilayn ma tihid Flash, hadad flash noqotana Arrday lagu qasaaro ayaad noqonaysaa oo Aqoontii uu bartay waxba kama jiraan ay tahay, Munaafaq ayuunbaad iska tahay ilayn dadbaad u kala dabqaadaysaaye.
Hadad noqoto Rati heeryo daaqa waa wax aad iyo aad loola yaabo Gudoomiyuhu waa Macalinkaaga hadii aad ku af-dheeraatid oo maqaalo sal iyo raad toona lahayn ama dhaliil ayna Jamacadu lahayn dusha ka saarto aqoonta lagaa leefi, ka waantooba ayaan idiin leeyahay Ardaydan flashta noqotay.
(Garyaqaan Wacays Abdo Omer) Hargeisa Somaliland
