Hargeysa(Subulahanews)-Idaacadda Dawladda ayaa caawa laga sii daayay Amar ay Wasaaraddu ka soo saartay Wargeyska Hubaal oo todobaadkan Hargeysa ka soo baxay, kaasoo saaka qoray War uu ka soo xigtay Indian Ocean oo sheegayay Madaxweyne Siilaanyo inuu safar Caafimaad ugu baxayo Dalka Ingiriiska.
Warka lagu xayirayo Wargeyska Hubaal ee Caawa laga sii daayay Radio Hargeysa waxa ku saxeexnaa C/rashiid Jibriil Yonis oo ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, oo uu dhawaan Madaxweyne Siilaanyo xilkaas u magacaabay.
“Wargeyska Hubaal ee dhawaan Hargeysa ka soo baxay maaha mid ka sharciyaysan wasaaradda Warfaafinta. Sidaas daraadeed waxaan faraynaa cida soo saarta inay joojiyaan. Sidoo kale waxaanu Hay’addaha ay khusayso faraynaa inay talaabo ka qaadaan.” ayuu ku yidhi Agaasimaha Guud qoraalka Amarka ah ee uu ku baahiyay Radio Hargeysa.
Dhinaca kale, talaabada aya Xukuumaddu ku doonayso inay ku joojiso Wargeyska Hubaal ayaa arrintaas ku tilmaamay gef cad oo ay Xukuumaddu ku talaabsanayso C/laahi Aadan Cumar Wayab oo ka mid ah hawl-wadeenada Wargeyskaasi.
“ Arrintaas waxba kama jiraan, Wargeysaka marka la Diiwaangelinayo Wasaaradda warfaafinta Ogolaansho ayay bixisaa, Xeer ilaalintuna way sharciyaysaa. Wargeyska Hubaal dhamaan sifooyinkaas sharciga ah oo dhan wuu haystaa oo waa Sharci” ayuu yidhi Wayab
Subulahanews.
