Ugu horayn waxaan umadda reer Somaliland leeyahay Ramadaan Mubarik, eebe bishan barakaysan ajarkeeda ha inna siiyo oo soonkeena iyo ducooyinkeena-ba ha inaga aqbalo, aamiin.
Ducadaas ka dib, qoraalkaygani wuxu kow ka yahay qoraalo taxane ah oo isku wada xidhiidhsan oo aan qaranka Somaliland, shicib iyo siyaasi-ba, ugu tilmaam isleeyahay halkuu qarankani ka liicayo ee haddii wax laga qaban waayo halis ku noqon karta jiritaankiisa dhan. Mawduucyada aan kaga hadli doono qoraaladaydan taxanaha ah, ee aan ciwaanka weheliya uga dhigay Guul Darooyinka Qaranka Somaliland, waxay kala yihiin:
- Ganacsiga iyo siyaasada (Business and Politics)
- Qaran iyo aqoonsigiisa (Nation and its recognition)
- Ahaanshaha iyo qaranimada (Identity and Nationhood)
- Taariikhda iyo qaranimada (History and Nationhood)
- Danta qaranka iyo siyaasada dibada (National Interest and Foreign Policy)
Mawduucan ganacsiga iyo siyaasadda iyo dhammaan mawduucyada aan kusoo qaadan doono qoraaladayda soo socda maaha markii iigu horaysay ee aan ka hadlo ee golayaal kala gadisan oo aan la kulaalo dad aan magaca Somaliland isku haybsano ayaan 10-kii sanadood ee lasoo dhaafay wakhtiyo kala duwan wer-werkayga (my concerns) la wadaagayay. Sababta aan imika u go’aansaday inaan mushtamaca reer Somaliland intooda ugu badan ee aan la wadaagi karo la wadaago waxay tahay in dadka reer Somaliland badankoodu ku baraarugsanayn sidu qaran ku dhismo. Sidoo kale waxa jirta moogaanta xad gudubka ganacsatadu (intaan ogahay) ay ku hayaan qaranimada Jamhuuriyada Somaliland, siday siyaasiyiintu raaliga uga yihiin iyo raadka dhaqankaasi ku yeelan karo jiritaanka qarankan curdinka ah.
Intaanan idin tusaalayn siyaabaha ganacsatadaasi ugu xad gudbaan qaranimada Somaliland, bal horta aan in yar dulmaro xidhiidhka ka dhaxeeya amma ka dhaxayn kara ganacsiga iyo siyaasada madaama dadka reer Somaliland aad moodo inay hal hays u yeesheen ganacsiga iyo siyaasadu isma galaan oo markaa dad dan gaar ah lehi taas ka dhaadhiciyeen.
Siyaasada caalamka hagta ayaynu ka dheehan karnaa amma ina faraysaba in ganacsi iyo siyaasadi marnaba kala madhnaan karin. Sideedaba ganacsigu 3 ayuu u kala qaybsama guud ahaan caalamka. Midi waa ganacsi dawladi leedahay (State owned business) midna waa ganacsi qof amma dad isku tagay (shirkad) ay leeyihiin (private or corporate business). Waxa kaloo jira nooc wadaag ah (corporate business) oo dawlada iyo badanka shirkad amma shaqsiyaad uu saamigu (shareholders or stockholders) ka dhaxeeyo kolba kii doona saamigiisu ha batee. Waxa jirta in eray bixinta (terminology-ga) ay dalalka kala duwan u isticmaalaan sifaynta qaybaha kala duwan ee ganacsi ay dabcan kala duwanaan karto ee laakiin 3-daas qaybood uun iskugusoo biyo shubanayso. Dabcan ganacsiga private-ka ahi kama dhigna innuu siduu doono yeeli karo oo waxa hagga amma uu u hogaansamaa xeerar-ka dalkaas uu ka jiro ganacsiga uga yaala.
Dhinaca xidhiidhka ka dhaxeeya ganacsiga iyo siyaasada, waxa aynu wada ogsoonay in xisbiyada siyaasiga ah ee adduunka xortaa ka jira ay badankooda maal galiyaan dad baayac-mushtar amma ganacsato ah. October 2011-kii ayuu Howard Schultz oo ah madaxa cafeteria-da caalamiga ah ee Starbucks ayaa kula taliyay madaxda shirkadaha waawayn ee Maraykan-ka inay joojiyaan dhaqaalaha ay siiyaan siyaasiyiinta intay, buu yidhi, ay hagaajinayaan dhaqaalaha Maraykan-ka ee hoos u dhacu ku yimid. Hadalkiisaasii wuxu ka cadhaysiiyay dad badan oo isla markiiba waxa u jawaabtay gabadh la yidhahdo Carly Fiorina oo hore u ahayd madaxa shirkada caalamigaa ee Hewlett Packard oo taladiisaa ku tilmaamtay fikir qudhmay (rotten idea) madaama ayeey tidhi loo baahanyahay bayac-mushtar badan (more business people) oo qayb ka ahaada geedi socodka siyaasada si dhaqaalaha Maraykanku jidka saxda u hayo mar walba.
Imika aan usoo laabto Jamhuuriyada Somaliland oo bal aan idiin tilmaamo xidhiidhka ka dhaxeeya ganacsiga iyo siyaasada. Dadka xog-ogaalka u ah geedi socodka Jamhuuriyada Somaliland waxay u aaneeyaan xasiloonida dalkeena ka jirta taageerada ay ganacsatadu ka gaysan jirtay amma ilaa imika ka gaysato geediga dib usoo yagleelka umadda. Oday Xaji Cabdikarim Xuseen (Cabdi Waraabe), ilaahay caafimaadka iyo cimri-gaba ha u siyaadiye, ayaa isagoo ka hadlaya geedigaas yidhi: “Iyadoo la oomanyay ayuu markab raashin ah Ibrahim dheere (ganacsade reer Djibouti ah oo asaliyan amma origin ahaan kasoo jeeda Jamhuuriyada Somaliland) Berebera keenay, markii la isku qabsaday ee rassastu dhacdayna Captain-kii markab-ka ayuu Ibrahim ku yidhi waa la inasoo dhawaynayaa oo rasaastu waa damaashad”. Sidoo kale hub ka dhigistii maleeshiyo beeleedkii waxa gacan wayn ka gaysatay ganacsatada Somaliland. Imika oo xaaladi dalku maasha Allah isbadishay, ganacsatadu waxay taageero dhaqaale siiyaan xisbiyada iyo ururada siyaasada ee dalka ka jira. Xaqiiqooyinkaas (facts) aan kor kusoo wada tilmaamay waxay beeninayaan hadalka ah ganacsi iyo siyaasadi isma galaan.
Hadaba yaa ka dambeeya in fikir been ah dadka reer Somaliland laga dhaadhiciyo?
Guul daradu-se amma xadgudubka ganacsatadu ku hayaan qaranimada Somaliland maxay tahay?
La soco qaybta 2-aad ee Ganacsiga iyo Siyaasada, iyo taxanaha Guul Darooyinka Qaranka Somaliland mawduucyadiisa kale weega-ga soo socda.
Wa bilaahi tawfiiq,
Iid Xasan Aw Muuse,
Somaliland Activist
London
