Lose Angles-Maqaal dheer oo lagu qoray Jariirada Lose Angles Times ee kasoo baxda wadanka Mareykanka ayaa lagu soo bandhigay macluumaad badan oo ku aadan doorka Mareykanku kuleeyahay wadanka Soomaaliya.

Major jen. David Hogg oo kamida saraakiisha ugu sareysa ciidamada wadanka Mareykanka oo qudbad ujeedinayey askar ka tirsan hawl galka AMISOM oo tababar loogu soo gabagabeeyey Magaalada Freetown ee caasimada wadanka Siiraliyoon ayaa yiri” waxaan idinka doonaya inaan aragno Somalia oo ka xorowda maamul xumada musuqmaasuqa iyo argagixisada, waan ogahay inaad diyaar u tihiin ayuu hadalkiisa ku sii daray”

Sidoo kale waxaa goobtaasi ka hadlay taliyaha hawlgalada ciidamada Siiralyoon Brig. Jen kamba mondeh Mareykanku si weyn ayuu inoo gacan siiyey waan uga mahadcelineynaa taageeradooda hagar la,aaneed, dhanka kale isagoo la hadlayey askarta uu taliyaha u yahay ayuu ku yiri” kani waa dagaal khatar ah waxaase hubaal ah in qaar kamida meydadkiina dib loogu soo celin doono Siiralyoon.

Mareykanka ayaa AMISOM ka taageera tababarida ciidankooda hub, diyaaradaha drones, daawiiyin iyo jaakadaha rasaasta la iskaga difaaco Mareykanka, ayaan door muuqda ku lahayn siyaasada wadanka Soomaaliya tan iyo sanadkii 1993 oo uu ku fashilmay hawlgalkii raja soo celinta Soomaaliya ee UNISOM oo uu hogaaminayey Mareykanku kadib markii ay fooda is dareen dagaal yahano daacad u ahaa JEN Caydiid, dagaalkaas oo Mareykanka dhaxalsiiyey fadeexo balaaran kadib markii 18 askari looga dilay magaalada muqdisho markaasoo dad careysani ay meydadkii Mareykanka dhulka ku jiideen waxaana sidoo kale laga soo riday laba diyaaradood oo nooca BLACH HAWK DOWN ah.

Mareykanka ayaa sidoo kales ku fashilmay sanadkii 2006 tageero uu siinayey ciidamada itoobiya oo maalma kooban ku qabsaday wadanka soomaaliya u jeedadooduna ahayd iney meesha kasaaraan xoogagii maxaakiimta islaama oo haysta inta badan wadanka Somalia hasa yeeshee sadex sano kadib itoobayaa ayaa soomaalia ka baxday iyadoon ka gun gaarin hadafkii ay u soo gashay oo ahaa iney cagta mariso islaamiyiintii hubeysnaaa oo kusii xoogeystay soo galidii itoobiyaanka.

Warbixinta wargeyka lose angels oo soo xiganeysa masuuliyiin Mareykan ah ayaa sheegaysa in amarada dagaal galinta amisom ay leeyihiin saraakiisha ameerikaana waxana warbixinta ku xusan inaan inta badan fagaarayaasha lagu arag hase yeeshee ay si hoose u shaqeeyaan.

xigasho somaliweyn

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook