Borama(Subulahanews)Gudoomiyaha gudiga abaaraha gobolada Awdal/Selel Sheekh Maxamed Daahir Dhawal ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiska gudigan oo ku yaala magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, Shirkiisan jaraa’id oo xanbaarsanaa laba arimood oo muhiim ahaa ayaa waxa ay kala ahaayeen Mahadnaq iyo sixid lacago soo gaadhay gudigan. Gudoomiyaha ayaa hadalkiisa waxa uu ku bilaabay sixid lacageed oo ka timid dalka Norway oo uu ka wakiil ahaa Sheekhulbaladka Boorama Sheekh C/laahi Sheekh Cali Jawhar taas oo uu sheegay in ay na soo gaadhay ayna dhanayd lacag dhan Kun iyo Saddex Boqol oo doolarka Maraykanka ah $1300.
Sidoo kale waxa uu iyadna halkaas ka sheegay in lacag dhan lacag ka timid dalkaasi Maraykanka gaar ahaan gobolka Nashfiil magaalada Tanasii oo ay ka wakiil ahayd haweenay muxsinad reer Boorama ah ay soo gaadhay oo dhanayd Kun iyo laba boqol oo doolarka Maraykanka ah 1200,boqol ka mid ah lacagtaasina uu soo diray wiil magaciisa la yidhaahdo Mustafe yaxye C/laahi oo gudiga ka soo codsaday in ay ugu duceeyaan in uu alle ug fududeeyo quraanka iyo Barashadiisa.
Dhanka kale gudoomiyaha ayaa waxa uu halkaas ka sheegay in lacag dhan Lix boqol iyo lixdan Doolarka maraykanka ah ay soo gaadhsiiyeen qaar ka mid ah haweenka Gobolada Awdal/Selel ee dalkaasi Sweden ay soo gaadhay ayna ku mahadsanyihiin.
Gabo gabadii gudoomiye Sheekh Maxamed Daahir Dhawal ayaa cid walba oo wax la soo baxday ha yaraato ama ha badato alle uga baryay in uu miisaanka xasanaadka maalinta qiyeeme ugu daro, wax alle wax ay jecelyihiin ee ay aduun iyo aakhirana ay niyada ku hayaan alle ha siiyo .”
Xafiiska Gudiga Abaaraha Gobolada Awdal/Selel
Boorama/Somaliland
