Hargeysa(Subulahanews)-Diyaarad aan Muuqaalkeeda la arkayn, laakiin Guuxeedu dawakhiyay dadka degan jiida u dhaxaysa Madaarka Hargeysa iyo Buuraha Naasa Hablood ayaa xalay Abaara tobankii Habeenimo ilaa iyo laba iyo tobankii Habeenimo Dul wareegaysay.

Si rasmi ah looma oga Diyaaradhaasi nooca ay tahay iyo waxa ay raad-guraysay toona, hase yeeshee sida looga bartay diyaaradaha noocan oo kale ah waxay aakhirka noqdaan kuwa ay adeegsadaan Ciidamadda Sirdoonka Maraykanka iyo kuwa Ingiriisku.

Mid ka mid ah dadkii xalay la socday diyaaradaasi dhaq dhaqaaqeeda oo ku sugnaa Madaarka Hargeysa ayaa sheegay inay ku jihaysnayd oo kaliya labadaasi goobood iyo inta u dhaxaysa, waxaanu xusay inay xalay oo dhan dhagaysanayeen Guuxeeda balse aanay arkaynin.

“ waxaan joogaa Madaarka Hargeysa waxa nagu dul-wareegaya diyaarad aanaan arkayn oo guuxeedu xoog badan yahay. Marna xaga Naasa Hablood bay u kacaysaa, marna xaga Madaarkay ku soo jiiraynaysaa. Markaa ma garanayno waxay tahaye waan eegaynaa goorta ay naga faaruqdo” sidaas waxa yidhi nin Telefoon nagula soo xidhiidhay oo madaarka xalay ku sugnaa.

Subulahanews.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook