Naadiga BCC ayaa shalay kulan aqooneed aad u balaadhan ku qabtay hoolka civil centerka(hanooninta) ee jaamacada camuud. Naadiga oo jadwalkiisa  caadiga ah labadii todobaadba mar soo bandhiga kolba mawduc iyo Barnaamujyo lagu kobcinayo aqoonta iyo maskaxda dhalinta ayaa shalay bandhig aad u balaadhan u qabsoomay. Bandhigan shalay oo ahaa mid si wayn loosoo agaasimay ayaa ahaa mid ku qotomay mawduuc aad u xiisa badnaa.  “Sideed U dajin Lahyd Qorshaha Noloshaaada” ayaa ahaa mawduuca uu sida qotodheer  uu u soo jeediyay Ustaad-Abdikariim Maxamed Cali oo ah aqoon yahan ku nool dalka Jabuuti ahna musaqaf ku xeel dheer akhriska iyo arimaha bulshada. Bandhiga oo ay ka soo qaybgaleen macalimiin aad u farabadan iyo ardayda jamacadaha iyo dugsiyada sare  ayaa aha mid si wayn u soo jiitay daawadayaasha. Barnaamujka shalay ayaa waxa daadihinayay Gudomiyaha naadiga Maxamed Cumar cismaan. Qudbada aqoonyahanka ayaa ahyd mid aad uga qiiraysiisay daawadayaasha iyadoo meelo fara badan taabanaysay. Waxa falanqayntii ka danbaysay qudbada lagaga dooday arimo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeed. Qabyaalada,Waxbarashada  iyo horumarka ayaa si wayn ay uga qaybqaateen dhalinta kazoo qayb gashay bandhigii shalay.

Bandhigan waxaa marti ku ahaa Suldaanka guud ee dhalinyarada Somaliland sul.Abdirahman  Ahmed Sh.muxumed, Dr Abdiaziiz idiris nuur,Dr adam Ibrahim gawracdiid iyo marti sharaf kale oo badan oo dhamaantood ka qaybqaaday falanqaynta mawduucii shalay.

Ugu danbayn waxa lagu so bandhigay  waxsoosaar aad uga yaabiyay daawadayaasha oo ahaa Wiil da’yar oo ku fikiray inuu warshad  lagu habaynayo milixda  ka hindiso magaalada iyadoo uu wax soosaarkiii warshadiisa qayb ka mida tusay dadwaynaha.wiilkan oo la yidhaahdo Abdikariim Saalax Aw Cabdi ayaa mar uu hadlay shegay inu ku hamiyi jiray arintan ayna usuuro gashay.

Naadigan ayaa ah naadi fuliya barnaamujyo joogto ah oo lagu jihaynayo dhalinta iyadoo naadigani la odhan karo waa ilaha ugu muhiimsan ee ay bulshadu leedahay.

Si kasteba ha ahaatee barnaamujyada nuucan oo kale ah ayaa la odhan karaa wa kuwo wax wayn ka badali kara masiirka bulshada kana qaybqaadan kara horumarka iyo horay u socodka bulshada. Ugu danbayna waxa uu Gud.naadigu balan qaaday inay bishan barakaysan ee ramadaan u soo diyaariyeen bulshada barnaamujyo mug leh.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Si’aad ula xidhiidho Naadiga halkan riix:-

www.facebook.com/pages/Naadigabcc

 

 

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook