Hargeysa(Subulahanews)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale ayaa saaka shaqadii ay ka hayeen Telefishanka Qaranka ka joojiyay Axmed Saleebaan Dhuxul oo ah Agaasimaha Telefishankaasi iyo Khadar Cali Gaas oo ah madaxa qaybta UK.

Boobe waxa uu saaka Amray (shalay) Ciidanka Amaanka ee Wasaaradda Warfaafinta inaanay soo geli Karin labadaas masuul xarunta Wasaaradda, isagoo sida la sheegay Agaasinkii Telefishanka si ku meel gaadh ah ugu sii dhiibay Madaxa Barnaamijyada Xuseen C/laahi Deeqsi.

Talaabada Boobe qaaday ayaa la sheegay inay ka xumaadeen labada Masuul, waxaanay markiiba isku sii daayeen dhinaca Madaxtooyadda oo ay ka soo dacweeyeen Wasiirka. Waxaana markiiba loo geeyay Madaxweynaha si ay cabasho uga gudbiyaan shaqo joojinta uu Wasiirku ku sameeyay.

Madaxtooyadda ayaa u yeedhay Wasiir Boobe iyadoo isku day day inay ku qanciso inuu talaabadaas ka noqdo, hase yeeshee waxa la sheegay wasiir Boobe saaka inuu mar labaad Madaxweynaha hortiisa kaga dacwooday faragalin la sheegay inuu ka tirsanayo Wasiirka Madaxtooyadda oo uu ku Eedeeyay inuu dabada ka riixayo khilaafka Wasaaradiisa.

Ma cada talaabadii hore wasiir Boobe inuu ka noqday iyo inkale, hase yeeshee wararka aanu ka helnay kulanka manta waxa la sheegay in uu ku adkaystay in laga joojiyo faragalinta isla markaana Nidaamka Maamul iyo shaqaalihiisaba in loo kala baxo.

Masuuliyiinta shaqada laga joojiyay ayaa qaylo dhaan kula dhex jira masuuliyiinta sare ee xukuumadda gaar ahaana madaxtooyadda, waxaanay qof kasta oo ay la kulmaan ku Beer laxawasanayaan inay is casilayaan oo ay fadeexado musuqmaasuq oo ay hayaan suuqa wadhi doonaan.

Subulahanews.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook