Hargeysa(Subulahanews)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo madaxda Xukuumadda kaga jirta Beelaha Samaroon oo ay soo abaabuleen Qurbajoogta labadaas Beelood ayaa kulan ay xalay ku qabsadeen Hoteelka Safaari ee magaaladda Hargeysa waxay ay ku ururiyeen Qaadhaan ay sheegeen in lagu dhisayo Dekedda Magaaladda Lughaya oo ay hore Qurba jooga Reer Awdal dhagax u dhigeen.

Kulankan oo uu furay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland waxa uu ka sheegay in loo baahan yahay Dekedaas in la dhiso isagoo Wasiiraddii iyo xubnihii kale ee masuuliyiinta Dawladda ahaa ugu baaqay inay tabarucaad buuran u fidiyaan.

Masuuliyiintii kala duwanayd ee ka qayb gashay kulankaas ayaa la sheegay inay gaadhsiiyeen Qaadhaanka ay ugu deeqayaan Dekedaasi boqol kun oo Dollar, iyagoo sheegtay Duruufaha dhaqaale inay dabrayaan oo aanay awoodin lacag ka badan intaas.

Qurba jooga wada qorshaha Dekedana lagu dhisayo oo soo qaban qaabiyay xafladda ayaa sheegay inay u hayaan ilaa hal Milyan iyo badh lacag ah oo ay ka soo Ururiyeen dibedaha, waxaanay ku balanqaadeen inay si dhakhso ah u bilaabi doonaan.

Kulan Beeleedkan qaadhaanka loogu Ururinayay Dekedda Lughaya laga dhisi doono Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada, Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada, Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtidda, Xildhibaanada Baarlamaanka, Agaasimayaal iyo shaqaale ka socday hay’addaha Dawladda.

Subulahanews.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook