Borama(Subulahanews)Wariye Hodan Abokor Xasan Caafi ayaa shalay galinkii dambe ay ciidamada Booliska magaalada Boorama dhaawac dhinaca wajiga ah u gaysteen xili hawl shaqo ku guddo jirtay. iyada oo wakhtiga ay ciidamada boolsiku nabarada u gaysteen shaqo ka waday saldhiga dhexe ee Booliska ee Boorama.

Dhaawacan ayaa waxa Wariye Hodan u gaystay Taliye ku xigeenka Saldhiga dhexe ee magaalada Boorama Mud. Gasle ka dib markii uu iska hortaagay gudashada waajibaadkeeda shaqo isla markaana uu si aan xushmad lahayn anshaxa saxaafadana ka madhan ugu gacan qaaday, dhaawac uga gaystay dhinaca wajiga, gaar ahaan dilaac ku yimid Faruurta sare iyo dhaawacyo kale oo xoogan oo dhinaca ilkaha ah.

Dhinaca kale sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah kiiskan ayaa dacwadiisa waxa ku daba jira ciidanka booliska ee magaalada boorama, waxayna fara kukul ku dhegeen taliye ku xigeenka saldhiga mudane Gasle oo ay taxaabeen jeelka mar kii uu dhaawacyo u gaytay wariye Hodan Abokor Xasan (caafi).

Wariye Hodan Caafi oo ah suxufiyad magaalada Boorama uga hawl gasha talifishanka qaranka Somaliland SLNTV ayaa wakhtigii xuquuqdeeda suxufinimo ay ku tunteen ciidamada Boolisku waxa ay baadhid dhinaca warka ah ku samaynaysay kiis la xidhiidhay ilmo yar oo 12 jir ah oo lagu muran san yahay icda dhashay isla markaana shalay ay dacwada waalidiintiisa oo isku haystaa ay hadhaysay saldhiga dhexe ee Boorama.

Fihiima Yaasiin Muuse

Boorame

 

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook