Hargaysa(Subulahanews)Deeq Waxbarasho oo Takhasus Caafimaad ah oo la sheegay inay dawladda Jarmalku ugu deeqday dhakhaatiirta da’yarta ah ee reer Somaliland ayaa Xiisad ka abuurtay Wasaaradda Caafimaadka, taas oo sababtay in dareen shaki lihi soo kala galo dhakhaatiirta dalka iyo Masuuliyiinta Wasaaradaasi.
Sidoo kale Xiisada ay abuurtay Deeqda Waxbarasho ee 33-ka Dhakhtar ayaa gaadhay in Madaxdhaqmeed reer Somaliland ay Saami u doontaan Wasiirka Caafimaadka si Dhakhaatiirta ay isku beesha yihiin loogu daro dadka tagay Jarmalka, isla markaana aan looga badsanin.
Si aanu arintaas wax uga ogaano ayaanu xalay la xidhiidhnay Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Muxumed Maxmed (Xuseen Xoog) oo isagoo Wargeyska Haatuf u waramaya sheegay inaanay wali soo gaadhin wax ogolaansho Jaamacadeed ah ama Wargalin ka timid Wasaarada Caafimaadka ee Jarmalka, isla markaana tilmaamay in Wiil ka mid ah Qurbo jooga Jarmalka ku nool uu u keenay oo kaliya Foomamka Lagu Dalbado Fiisaha (Visa Application Form), taas oo uu ku sifeeyey arin aan la aamini karin.
Dhinaca kale Sarkaal ka tirsan Wasarada Caafimaadka Somaliland oo ka cudur-daartay in magaciisa la shaaciyo ayaa Haatuf u sheegay in Wasaaradda Caafimaadku ay Tahli kari wayday inay si fiican u maamusho oo ay u qaybiso 33-ka dhakhtar ee la sheegay in Jarmalka ay u tagi doonaan Waxbarasho Takhasusaad kala duwan ah, isla markaana ku dooday in Joojinta arintaas ee Masuuliyiinta Caafimaadka inay fari ku godan tahay.
Ugu horayna isaga oo Wasiirka Caafimaadka Dr. Xuseen Xoog arimahaas ka hadlaya, waxa uu yidhi “Wax sax ah maaha Deeqdan la sheegayo inay Jarmalka nooga timid oo ogolaansho Jaamacadeedna nalooma keenin, mida kale waxa jira oo la ii balanqaaday mar aan tagay dhawaan dalka Jarmalka in deeqo waxbarasho oo dhinaca Caafimaadka ah Somaliland la siin doono, arinataasna waxaan kaga imid Jaaliyada Soomaalida ee dalkaas iyo Oday Jarmal ah oo isagu hada dhintay oo nala shaqayn jiray, Inamadii iyagu arintaas ku hadhay waxaan filayaa inaanay iyagu meel sare gaadhin oo sanadkii dambe ee waliba bishii ina dhaaftay aan ku noqday waxaan isku dayey inaan arintii sii amba qaado oo waxaan ku idhi maxaad noo haysaa oo aaway wixii aad noo balanqaadeen, hadana balantii Wasiirka Caafimaadka ee Jarmalka ayaan la ii samaynin”.
Wasiir Xoog isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Imika waxa yimid inan sida Foonkan lagu dalbado Fiisaha (Visa Application Form), markaa waxa uu yidhi waa la idiin ogolaaday, aniguna waxaan u arkaa inaanay arintaas waxba ka bislayn oo waxaan arintaas ku wareejiyey qoladan horumarinta shaqaalaha iyo tababarkooda u qaabilsan Wasaaradda Caafimaadka, markaa markii danbe ee ay arintiina buuq dhalisay waaban joojinay oo waxaan idhi mar hadii waxa la inoo keenay yahay Visa Application Form inaga daaya. Mida kale Wasaaradda Caafimaadka ee Jarmalka ama Jaamacadaha dalkaasi midna hadii aanay nala soo xidhiidhin wax sidaa u buuran uma aragno inay tahay arintaasi, markaa imika waxaan la xidhiidhayaa Wasiirkii Caafimaadka, isla markaana hadii ay wax run ahi inoo soo baxaan waa faa’ido oo waynu ka faa’idaysan Jaaniskaas Insha Allaah”. Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Muxumed Maxmed (Xuseen Xoog) mar wax laga waydiiyey waxa ka jira in Madaxdhaqmeed Saami ka doonaysay Deeqdaas Waxbarasho ee uu deedefeeyey inay jiraan, waxa uu ku jawaabay “Waa run oo way ii yimaadeen qoladaa Madaxdhaqmeedka ahi laakiin waanu is afgaranay runtana waan u sheegay in waxan la buunbuuniyey, run ahaantiina wixii dalka iyo dadkaba faa’ido u ah anagaaba mar hore ka hawlgali lahayn laakiin ilaa imika wax Cad oo aanu arintaas ku aamino ma hayno Xukuumad ahaan”.
Dhinaca kale Sarkaalka Wasaarada Caafimaadka ka tirsan ee ayaa isaguna isaga oo arimahaas ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Deeqdaasi Dhakhtarnimo ee ay inoogu deeqday dawladda Jarmalku waxa ay u muuqataa mid la Joojiyey oo uu Wasiirka Caafimaadku joojiyey,waxaana la sheegay in sababaha loo joojiyey ay ka mid tahay markii arintii ay soo faro-galiyeen qaar ka mid ah Salaadiinta reer Somaliland oo dhakhaatiir gaar ah wata, Wasiirka Caafimaadkana ku yidhi aaway waxayagii oo waxay doonayeen in lSaami laga siiyo 33-ka Dhakhtar ee Takhasuska ah ee Jarmalku inoogu deeqay inuu wax inoo soo baro”.
Sarkaalkan iyaa isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Masuuliyiinta Caafimaadku waxay leeyihiin Tartankii Dhakhaatiirtu u gali lahayd waa la joojiyey hadana waxa jira warar kale oo soo baxaya oo sheegaya in si hoose loo wado oo dad si gaar ah loogu qorqorayo. Waxaanay deeqdan loo fidiyey dhakhaatiirteenu ay noqonaysaa deeqdii ugu miisaanka waynayd ee 21-kii sano ee Somaliland jirtay ay helaan dadka dalkani”. Mar uu ka hadlayey shuruud Jarmalku ku xidheen 33-ka dhakhtar waxa uu yidhi “Waxa kale oo jira Shuruud lagu xidhay 33-ka dhakhtar ee ku guulaysta Waxbarashadaa Takhasuska ah, taas oo ah in mudo ilaa saddex bilood ah ay Somaliland ku bartaan luuqada Jarmalka oo markay xagaas tagaa wax lagu bari doono, markaa waxa fiican inaan waxan dan gaar ah loo eegin oo ummadda looga faa’ideeyo maadaama oo aanay ciyaar ahayn 33 dhakhtar oo takhasusaad kala duwan lagu soo bari doono dalka Jarmalka oo ah dalalka dunida ugu horeeya xaga Caafimaadka”.
Source Haatuf.
