Markaan taariikhda Somaliland dib u raacno mudo 20 sano ku dhawaad baan ka soo gudubnay nidaamkii beelaysnaa oo aynu isu habaynay bulsho dhaqan iyo dhaqaale wadaag ah oo leh Suldad dhexe, Madaxweyne, Distoor, Axsaab qaran iyo Golayaal qaran oo la soo doortay oo leh nidaam sharciyeed oo ay go’aamadooda ku fuliyaan.
Suldadaa dhexe ee aan samaysanay waxa wajibaadkoodu ahaa inay inagu barbaariyaan ummadnimo iyo wada jir aan ugaga xuubsiibano kala qaybsanaanta iyo qabiilaysiga oo ah cadowga qaranimada.
Taa bedelkeeda waxaan qarsoonayn maanta in arimuhu u xaglinayaan dhinacii qabyaalada oo ay horboodayaan saladiin tira beeshay oo qaarkood beelaynayaan hantidii ummada ka dhexaysay go’aanana ka soo saarayaan,qaarna qabanayaan shirar ay kaga ariminayaan arimaha qaranka halka qaar kalena shirarka xamar ka socda dhex fadhiyaan oo sheeganayaan in ay qabilkooda ku metalayaan Shirkaa.
Waxaa iswaydiin mudan halkee ka socda debeca ku yimi qadiyada qaranimadii Somaliland?
Ma markii cidii loo xilsaaray inay qaranimo inagu dhaqaan inaguna abaabulaan ku fashilmeen doorkoodii baa firaaq yimi oo qabyaalad la miciinsaday.
Waa suaal jawaabteeda laga sugayo xukuumada Somaliland, golayaasheeda, axsaabta qaranka iyo guud ahaan shacabka Somaliland?.
Cali Ducaale
