Hargaysa(Subulahanews)Wasaaradda Dekedaha,Gaadiidka,Cirka,Dhulka iyo Badda Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday inuu dhowaan billaaban doono Mashruuc lagu ballaarinayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Dekedaha,Gaadiidka,Badda,Cirka iyo Dhulka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Aadan Cabdullaahi Aadan oo shirjaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in howlaha garoonka diyaaraha Aadan Cadde ay aad u korortay sidaasi darteedna ay hagaajiyeen shaqada garoonka 80% sudaasi darteedna ay muhiim tahay in la ballaariyo garoonka si uu ula mid noqdo garoomada kale ee caalamka.
Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in uu dhawaan billaaban doono mashruuc lagu ballaarinayo garoonka kaas oo dowladda Turkigu ay gacan ka geysandoonto.
Dowladda Soomaaliya ayaa dib u habeysay adeegyada garoonka iyo qalabka loo isticmaalo ammaanka garoonka, taas oo keentay in howlaha garoonku ay aad u kordhaan.
