Boorama(Subulaha News Network). Iyada oo ay wali Wariye Hodan Caafi la dhibantahay nabarada ka soo gaadhay gacan ka gardaran oo ku labisan dirayska ciidanka Booliska Somaliland ayaa waxa aan wali wax laga qaban dacwadii ay waalidiinteedu u gudbiyeen taliska ciidanka Booliska ee G/Awdal, arintan oo noqotay mid ay aad uga xumaadaan dadka jicel xuriyatul qawlka, kuwa dhaqanka, waxgaradka guud ahaan Somaliland iyo kuwa kale ee u ololeeya bini’aadanimada ayaa waxa ay cambaar iyo sumcad xumo ku tahay Maamulka G/Awdal iyo kan ciidanka Booliska ee G/Awdal.
Wali waxa suuqa Boorama si xoriyad ah u dhex mushaaxaya dambiilahii Saleebaan Barkhad Gasle oo ah taliye ku xigeenka saldhiga dhexeee boorama ee gacanta u gaystay Wariye Hodan Caafi, tanina waxa ay ka been sheegaysaa sidii uu taliyaha qaybta booliska G/Awdal ku banqaaday in uu xadhig la hubsan doono masuulkan gacanta u qaaday Wariyaha inta ay baadhistiisu socoto.
Badhasaabka G/Awdal ayaan isaga laf ahaantiisu ka hadlin wali kiiskan sumcad xumada ku ah maamulka gobolkiisa, waxana ay warar xog ogaal ahi sheegayaan in aanu wax warbixin ah oo ku saabsan arintan ka helin masuuliyiinta Booliska waqtigii uu gudoomayay wararka gobolka ee ka yimaada laamaha kala duwan ee muhiim ka ah kaasi oo ahaa shirkii gudida nabadgalyada.
Fashilaadan ku timid maamulka gobolka ee ku aadan arinta tacadiga wariye Hodan Caafi ayaa waxa ay sabatay in Wasaarada Warfaafintu madaxa sare kaga timaado, waana talaabdaas mida horseeday in taliyaha ciidanka Booliska Somaliland oo uu ku soo dacwooday Wasiirka Warfaafintu uu amro in kiiskan loo soo gudbiyo taliska guud ee Booliska ee Hargaysa sida la isla dhexmarayo gudaha xarunta dhexe ee Booliska G/Awdal.
Iyada oo uu xaalku sidaas yahay macada wali talaabooyinka ay qaadi doonaan masuuliyiinta G/Awdal ka dib canaanta xoogan ee la sheegay inay kaga timid xukuumada dhexe(Taliska Guud ee ciidanka Booliska).
Sikastaba ha ahaatee dhacdan sida ay ugu fashilantay xukuumada G/Awdal ayaa waxa ay astaan u tahay tacadiyo kuwan la mid ah oo laga galo dad masaakiin ah oo maalinwalba gobolka Awdal ka dhaca oo aan la helin cadaalad ku haboon, waxa kale oo ay iftiiminaysaa si uu guud ahaanba maamulka G/Awdal gabi aahaantiiba u yahay mid fadhiid ah

