Ramadaan khayreeda ilaahay haynaga aqbalo aamiin. Shacbiga sharafta lehoow waan idin salaamay dhamaantiin gude iyo dibadba.

Waxaad moodaa in aynu galnay marxalad la yidhaa: Arag,Maqal, Warkana Dhaaf! Waa shaki la’aan in hadii Bini’aadmigu is waafajin kari waayo Ficilkiisa iyo Hadalkiisa, In la galo, Xaalado iska-daba wareega, khilaaf burbur keena iyo is-aamini waa. Dhacdo kasta ama Warkasta markaad maqasho ee laguusoo tabiyo, run haw qaadan ee iska hubi. Waxaan uga jeedaa, Inanka Arimaha Dibada miyuu Dafiri karaa inuu:

1- Somaliweyn mudo dhex ordaayay, oo ay waliba si ba’an uga hadleen Guurtida Dawlada Somaliland iyagoo ku sifeeyay wuxuu inankaasi soo wadaa inay tahay Ceebo Qaran oo ay saldhig u tahay: xilka ku cusub iyo waayo-aragnimo la’aani !!?

2- Inuu fadhiyay Goobtii lagu soo unkay Dastuurka Somalia ee uu u Sacab tumayay ayaamo yar ka hor!!?

3- Inuu ku celceliyo markasta weedha ka baxsan Masraxa Siyaada Dalka iyo Dunidaba ee ah: Lacagtayadii/ kharashkayagii yaraa waa naloo ogolaaday! Oo la odhan karo Naanaysbay Qaranka u keeni kartaa odhanaysa: U baneeya Wasiir: Baahane! This is politically considered as a part of Top Secrets. Waa sir maaha inaad Dabaq fuusho ood kharashkaasaa lay ogolaaday!

Bal iswaafajiya Hadalada/Talaabooyinkan:

Hadii aynu danmoodnay inaynu somaliya isku neef dhawaano, oo aynu halkii 3-dii Dawladood ee hore ay taagnaayeen ay xukumadu uga soo dhawaatay, maxay micno samaynaysaa in Wasaaradeena A/Dibadu ay tidhaa: somaliya yaanay nasoo faro galin. Ma xasuusataan mar hore oo shirar loogu qabanayay somalida Nairobi, oo BBC-da oo aad moodo inay waraysiyadiisa xiise gaara u qabto, sidii Diana iyo Dodi Alfey ee Warbaahinta caalamku daba dhigatay ilaa ay Shil Baabuur ku dhinteen, inay waraysatay Wasiirkeena ku cusub siyaasada: Barigaa wuxuu yidhi shirka Nairobi waanu ka qayb galaynaa, markii uu Nairobi gaadhay, Markale ayuu hadana BBC-dii ku yidhi waa naloo diiday inaanu shirka galno hadii aanaan sidan/qaadan calan meesha lagu galayay oo ahaa kii Somaliya ee Buluuga ah!!

Waa maxay waxanoo is laanqayrayni !!! ? waar dalkeenii dhamaa ee lahaa 21 sano ayaanu gooni u taagnayn maxaa dhulka dhigay !!! ?

Dawlad nimadii way jirtaaye xaga alay ka dhisantay, laakiin khibradii iyo aqoontii lagu hagayay meesha ma taalo !!!

Markaa waxaan madaxweynaha odhan lahaa siyiba, si-bay dhaantaaye, wasiirkaagan ku miyirdoorsoomay siyaasada, Amblance la gaadh!!

Waxa kaloo jirta: Marka nin mucaaridi hadlo, dee dawlad baa tihiine kala hadha si aydaan uga bixin xayn-daabka umada, oo dadka yaree idinku hadhay aanay u raacin mucaaridka. Tusaale waxaan usoo qaadanayaa: Dr.Gaboose oo meel shishe wax ka dila, iyo Niman tuuryo gaaban oo islahaa u jawaaba iyagoo baryahan mariya jawaabtooda Wariyeyaal Saxaafada u Calaamadsan! Jawaabta Muuse Biixina waan taageersanay sababtoo ah: Marinkiisaa ah oo wuxuu shukaaminayaa cidii ay khusaysay bal inay musharaxnimo m/weyne kulmiye ah u ogolaato! Ragdawlada ka mida oonu saaxiibo nahay, waxay ii sheegeen shax cajiiba oo aan u bixiyay Isa-Sudhan! Shacbigu marka shaxdaa la gaadho way ii garaabi. N-Gelyo walaalayaal.

F/Gaara: Shaqsi uma jawaabo, Afxumana Umada uma horseedo, taasaynu isku ognay Akhristayaal.

SANWAA CUMAR YARE

XISBI QARAN SUGE.

E-Mail Address: muwadin01@hotmail.com

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook